Go’aamo Lid ku ah Qaranimada Somaliland oo ka soo baxay Shir-beeleedka Taleex

Taleex, 10 January, 2012 (SLpost)- Shirkii dhowaanahanba degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland uga socday Beelaha Dhulbahante ayaa la sheegay inay maanta Ergooyinka ka qaybgalay ay go’aamiyeen in madashaa lagaga dhawaaqo maamul-goboleed ka madax-bannaan dawladda Jamuuhiriyadda Somaliland.

In kasta oo aanu jirin rasmi oo xaqiijinaya magaca maamul-goboleedka oo shirkaa ka soo baxay, waxa maanta Shirkaas oo wejigiisii labaad galay lagu go’aamiyey in lagaga dhawaaqo maamul ka mid noqon doona maamullada tirada badan ee Koonfurta Soomaaliya lagaga dhawaaqay.

Si kastaba ha ahaatee, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaan weli iyagu ka hadal maamulkan la sheegay in maanta lagu go’aansaday Shirka Beelaha Dhulbahante uga socda Degmada Taleex ee Gobolka Sool. Waxaanu haddii lagaga dhabeeyo go’aanka Maamulka loogu yeedhi doono SSC State, saamayn ku yeelan doonaa Somaliland iyo Puntland, maaddaama oo marka horeba meelo ka mid ah Xuduudaha gobolka Sool iyo meelo kale ay isku haysteen Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net