Hargeysa (SLpost)- Shir Xisbiyada Mucaaradka magaalada Hargeysa ugu soo gebo-gaboobay horaantii todobaadkan, ayaa maanta laga soo saaray war-murtiyeed xilligiisa ka baaqday oo xambaarsan qodobbo ka hadlaya xaaladda Guud ee dalka, sida doorashooyinka, Garsoorka, Haykalka maamul, ku-dhaqanka shuruucda iyo qodobbo kale.
War-murtiyeedka oo ay wada-jir ugu saxeexan yihiin labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa marka laga yimaaddo xaaladaha kala duwan ee natiijadiisa lagu qorfeeyey, waxa war-murtiyeedka lagu shaaciyey go’aamo ka kooban Lix Qodob, waxaana qodobka ugu horreeya go’aamada baaq loogu jeediyey madaxweynaha inuu u hoggaansamo heshiiskii dhexmaray saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda, halka qodobka labaad lagu xusay in madaxweynuhu ka badheedhay inaanay qabsoomin doorashooyinku haddii uu fulin waayo heshiiskii dhexmaray Xisbiyada iyo xukuumadda.
Shirkan ay dhawaan qabsadeen xisbiyada mucaaradka oo lagu tilmaamay shirka wada-tashiga iyo qiimaynta xaaladda guud ee Somaliland ayaa waxa war-murtiyeedka ka soo baxay maanta oo ay ku wada saxeexan yihiin labada gudoomiye ee labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka mid ah go’aamada:
- In Madaxweynuhu uu fuliyo heshiiskii 26 May 2015, ee saddexda xisbi iyo xukuumaddu ka gaadheen doorashada.
- Mucaaridku inay go’aansadeen in aanay aqbali doonin wax aan ahayn waqtigii saddexda xisbi iyo xukuumadu isla qaateen ee ahaa in doorashada la qabto December 2016.
- Haddii madaxweynuhu uu fulin waayo heshiiskii saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid, waxaa caddaan ah in aanu madaxweynuhu diyaar u ahayn inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.
- Waxaana lagama maarmaan noqoneysa ayay yidhaahdeen Ucid iyo Waddani in markaasi aannu dalbanno beesha caalamka.
Go’aanka mucaaridka Somaliland soo saareen maanta waxaa kale oo ka mid ah
- In go’aankii guurtida ee muddo kordhintu aanu waafaqsaneyn distoorka iyo sharciga Somaliland.
War-murtiyeedka mucaaridka oo ka dambeeyay shir u socday 23-kii ilaa iyo 26-kii July ayaa waxa kale oo ku qoran dhalliilo fara badan oo xukuumadda ay uga soo jeediyeen dhinacyada garsoorka iyo ku dhaqanka distoorka, dib u dhaca doorashada, dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha dibedda.
Shirkan mucaaridka ayaa hore xukuumaddu isu hortaagtay laakiin waxaa markii dambe u ogolaatay maxkamada distooriga ah ee Somaliland oo ay u ashktoodeen labada xisbi ee mucaaridka ee Waddani iyo Ucid.