Go’aamo ka soo baxay Kulan Dhexmaray Wasiirka iyo Guddoomiyeyaasha Waxbarashada Gobollada Somaliland

wasiirka waxbarashada somaliland toorno

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee Gobollada dalka.

Shirka oo ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka, waxa wasiirka wasaaradda waxbarashada ku wehelinayey wasiir ku xigeenka wasaaraddaas, agaasimaha guud iyo qaar ka mida agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradaas.

wasiirka waxbarashada somaliland toornoWaxa kulanka lagu faaqiday isla markaana layskula qaatay in sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo qodobbada hoos ku qoran oo si qoto-dheer loo lafa-guray.

1. Shaqaalaha cusub, isku-bedelka iyo jagooyinka la magacaabayo oo dhamaantood la xayaysiinayo ama loo soo bandhigi doono bulshada

2. Warbixin qalabaynta dugsiyadii Madaxwaynaha Somaliland furay dhawaan, si ardaydu u gasho dugsiyadaas oo dhamaystiran diyaarna ah.

3. Midaynta dirayska ardayda dhamaan gobolada dalka.

4. Shahadooyinka maamulenimo iyo ta macalimiinta wax ka dhigta, kuwaas oo la dhimaystirayo fasax-sannadeedkan, iyadoo lagu bilaabayo maamuleyaasha dugsiyada.

5. Hormo-gelinta dugsiyada cusub iyo kordhinta dugsiyada iyo kaabayaasha Macalimiinta, iyadoo mudnaanta la siinayo degmooyinka diyaariya maalgelin ay kaga qayb qaataan horumarinta Waxbarashada deegaankooda.

6. Sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada guud ahaan dugsiyada dalka.

Ugu dambayn, wasiirka wasaaradda waxbarashadu waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo fulin doono qodobbadan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net