Go’aamo Ka Soo baxay Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddi Isu-Xil-qaantay Khilaafka Xisbiyada Mucaaradka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay Guddi isu-xil-qaantay xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, kaas oo u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumadda.

Khilaafka oo salka ku haya qabsoomidda doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada Siyaasadda, waxa xalkiisa isu-xilqaamay guddi ka kooban madax-dhaqameed isugu jira Salaadiinta iyo Cuqaal iyo Culima-aw-diin ka kooban 24 xubnood.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey natiijada kulanka dhexmaray labada dhinac, ayaa lagu sheegay in laysku af-gartay in xalka khilaafka loo daayo Golaha Guurtida Somaliland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxooyada, waxa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21-06-2022 Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergo is-xil-qaantay oo isugu jira Salaadiin, Cuqaal iyo Culimo Awdiin, maalmihii u danbeeyey ku hawllanaa isu soo jiidka arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo labada Xisbi Mucaarid.

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu odayaasha dhaqanka iyo culimada is-xil-qaamay ku soo dhaweeyey gacmo-furan, waxaanu u sheegay inuu u hayo xurmo iyo ixtiraam gaar ah. Dhinacooda Ergaduna waxay u sheegeen madaxweynaha in ay u socdaan in ay gacan ka gaystaan xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee dalka ka jira hadda.

Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in Golaha Guurtida oo sharci ahaan Qaranka Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Warku waxa uu intaas waxa madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud, La-taliyaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere.

Xubnaha Guddida is-xilqaantay ee kulanka la qaatay madaxweynaha Somaliland, ayaa kala ah Suldaan Xasan Xaddi Baade, Suldaan Maxamed Cabdi Xasan, Suldaan Salmaan Axmed Maxamed, Suldaan Maxamed Muuse Nuur, Suldaan Cawil Faarax Shire, Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Aw Cabdi, Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Caaqil Xasan Muuse Cabbaas, Suldaan Axmed Xasan Jaamac, Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan Cismaan Baane, Suldaan Axmed Daahir Muuse, Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad, Suldaan Ismaaciil sheekh Cumar Xasan, Suldaan Axmed Aw Cali, Suldaan Cali Jaamac Galaal, Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale,
Suldaan Cabdillaahi Maxamuud, Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Ciise, Suldaan Abshir Maxamed Ducaale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net