Giraamaad yeynaan ku gadan Garashadeenii! – W/Q: Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Garashada Illaah inagu galaday hadaynu nahay bulsha weynta geyiga Somaliland waa mid aynu gaar kaga nahay guud ahaanba wixii laysku odhan jiray Soomaaliweyn, waxaad taas ku garan kartaa dhawr iyo labaatankaa sano ee ay gumaca iyo rasaasta birmagaydadooda la dhacayeen inaku waa intii aynu nabada iyo guulaha isdabajoogaa goboladeena ku maamulaynay.

Hadaba inakoo garawsan haantii aynu gunta ka soo tolay iyo wadahadaladii aynu geedka hoostiisa ku soo bilawnay, inakoo aan marnaba ilaabayn in garaamaadka lagu siiyo ay daba taalo go’aano laguu yeedhiyo iyo ka faaidaysiga goldaloolooyinkaaga ama in lagu guuro qayb ka mida bulshadaada oo hadii shilimo lagu gudoonsiiyo ay ka dhigan tahay Virus sida aad isaga dawaysaa adag tahay oo maalinba ninka qaataa uu yahay ka lagu shaqaysto dantoodana ay ku fushadaan.

Waxaan aaminsanahay hadii Somalia laga dayn lahaa shilimada la siiyo in uu dhibku ka degi lahaa, inaka hadii hore laynoo siin lahaana aynaan degneen oo aynu joogi lahayn haadkaa ay hada haystaan.

Hadaba madaxda qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee haysa mindida daabkeeda iyo golayaasha talada dalka laga go’aamiyo waxaan u soo jeedin lahaa in aynaan garashadeenii ku gadan Garaamaad sababaya in aynaan yeelan go’aan ka gaadhista hawlaheena gaarka ah iyo gurigeena gudihiisa.

Waxaan Ognahay in hadii go’aan adag aad gaadho oo aanad isu hoos dhigin shilimada ay qolyaha isku sheega Deeqbixiyayaashu bixiyaan aad ka adag tahay cid walba umadaadana aad kaga helayso taageero buuxda iyo isgarabtaag dhaba, hadii bulshadeenu ay bixiso cashuurta iyo xaqa lagu leeyahay isla markaana ganacsatadeenu ka fekerto qaab ay bulshadani iskufilaansho nololeed ku gaadhi karto laga shiro oo wax laysu geegeeyo waxaaan qabaa inaynaan u baahnayn deeqshisheeye oo midnimadeena iyo wadajirkeena lagu mijo xaabiyo mid maalinwalba laynagu taago shir aynaan u qalmin oo quudhsibadani kujiro sidii kii ugu danbeeyey ee ISTANBUL ee dawladeenu dhex fadhiday iyadoo caalamka loogu sawiray inay qayb ka tahay xalka somaliweyn ee sida jeesjeeska ah madaxda somalida iyo kuwa caalamkuba inoola hadleen.

Gunta iyo gunaanadka maqalkayga waxaan si gaara xilkan iyo waajibaaadkan guudka u saarayaa inuu ka fekero qaab aan ahayn in aynu aduunka dhaqaale quudhsi ka helo Madaxweyne Siilaanyo oo isagu maanta dalka u taliya go’aankiisuna yahay ka ama aakhiro inoo diraya ama ifka nolol caafiimaad qabta inagu noolaysiin kara inta ka sokaysa qadarka eebe iyo go’aanadiisa.

Wixii aan Saxay Eebaa ku mahadsan intaan qaldayna shaydaanbaa iska leh

Qalinkii Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com