Gen. Maxamed Cali Samatar Oo Geeriyooday 

Virginia  (SL.Post) Gen. Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay Soomaaliya,  ayaa saacadihii la soo dhaafay ku geeriyooday gobolka Virginia ee Maraykanka.

 

 

 

Maxamed Cali Samatar ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal badan sida xilka Madax-weyne Ku-xigeenka, Raisul Wasaare iyo xilal kala duwan, ciidamada qalabka sida.

 

 

Gen.Maxamed Cali Samatar ayaa noqday masuulkii ugu sarreeyay ee dawladdii kacaanka oo dacwad ka dhan ah la horkeeno Maxkamad shisheeye.

 

 

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sanaddii 2010-kii go’aamisay in dacwad lagu soo oogi karo Gen.Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soomaaliya, gaar ahaanna Somaklilandoo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladdi dhexe ee Maxamed Siyaad Barre. waxanu beeniyey eedaymahaasi oo uu ku sheegay kuwa siyaasadaysan.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa