Geeri Naxdin Leh: Inna lillahi wa inna ilayhi rajicuun

tacsiUCID –) Waxay dhamaan masuuliyiinta, xubnaha iyo taageerayaasha bahweynta xisbiga Cadaalada iyo daryeelka –UCID, Gaar ahaan Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo M.Madaxweyne Jamaal Cali Hussein ay mareegtan tacsi umarinayaan dhamaan Qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee marxuum –Caaqil Maxamuud Cade Gude oo ku geeriyooday magaalada Bristol dalka Ingiriiska saaka waaberigii, waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa Qoyska marxuunku ka baxay.  Waxaana marxuumka Ebbaha  awooda leh uga baryaynaa in uu jannatul firdowsa galiyo uuna ka badbaadiyo cadaabtiisa. AAMIIN AAMIIN AAMIIN YAA ALAAH