Geedkii Looga Talin Jiray Miyiga Oo Ay Bedeleen Maqaaxiyo Lagu Murmo Iyo Dumarkii Oo La Rafaadsan Shaqooyinka Qaar Ay Qaban Jireen Odayaashu.

Mustafe-Future

Isbedelka Ku Dhacay Nolosha Iyo Dhaqankii Miyiga

Mustafe-Future

Nolosha dadka somalida ahi waxay ka soo unkantay miyi taasi oo marxalado kala duwan oo xadaarad ah soo martay iyada oo dadku aanay Aqoon fiican lahayn, barashada cilmiga Quraankana loo doonan jiray Meelo fog fog oo masaafo ku qaadan jirtay qofka Diinta baranaya.

Wakhti kastaa Waayihiisa ayuu wataa nolosha bani,aadamkuna Marxaladdo kala gedisan ayay soo martaa, waxaa jiray wakhti aanay dadku haysan Hoy iyo hu’ toona, waxa jiray wakhtiyo badan oo Wadanku Barwaaqo soo martay iyo wakhtiyo Abaartu Xaalufisay Deegaanka.
Nolosha dadka ku dhaqan baadiyahu waxay ku tiirsantahay Xoolaha nool halka qaarkoodna dhulka kala soo baxaan Manaafacaadkooda iyo Maciishada Wadaniga ah ee loo iib-geeyo Magaalooyinka sida hadhuudhka, galayda iyo noocyada kala duwan ee khudaarta wadanku hodanka ku yahay.

Dulucda Aragtidayda haddii aan u daadagno waxaa jirta isbadal badan oo ka muuqda Hab-nololeedka Miyiga iyo Deegaankaba, sida la wada ogsoonyahay baadiyuhu waa halka aynu utirino dhaqanka iyo hiddaha dadka Somalida ah ee la odhon karo waxay ka fayow yihiin Milanka dhaqamada kale ee Soo galay Magaalooyinka, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dhaqankeenii suubanaa.

Dhaqanka Somalidu waxa uu ku tiirsanyahay Diinta Islaamka, waana dhaqan aad uga Wanaagsan haddii sidiisa loo qaato, waxaa jira Qaladaad yaryar oo la soo dhex galiyo oo aan ku haboonayn Diinteena suuban, kuwaasi oo mudan in laga fogeeyo dhaqankeena.
Dadka ku dhaqan baadiyaha ee nolol maalmeedkooda kala soo baxa Baxa beeraha iyo kuwa ku tiirsan xoolaha nool ayaa siyaabo kala gedisan uga faa,iidaysta khayraadka ILAAHAY siiyay kuwaasi oo qaarkood ku badasha waxayaabo aan Faa,iido badan u lahayn, khasaare ba’an oo joogta ahna soo gaadhsiiya.

Wakhtiyadan danbe waxaa iska badalay dhaqankii iyo noloshii miyiga Waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, dhaqankii odaynimo, habdhaqankii Haweenka, dhismihii guri, habmaamuuskii guurka, Deegaankii, kartidii dhalinyaradda, Weelkii, Agabkii guriga iyo Cuntooyinkii la isticmaali jirtay ayaa dhamaantood waxaa ku yimi isbedel weyn.

Odayga miyiga ku dhaqani waxa uu ahaa Oday Taliya oo geedka lagu yaqaanay, waxa kale oo uu ahaa oday karti badan oo Maamulka reerka ka war haya, beerta ka shaqeeya, xoolaha ka warhaya, kaasi oo lahaa Maamuuskiisa iyo ixtiraamkiisa, balse maanta waxa uu isu bedelay Oday aan war u haynin Xaalada guud ee reerkiisu ku saganyahay, waxa bedelay golihii iyo geedkii lagu ogaa, Maqaaxiyaha Daabiyadaha yar yar ee ku dhaw baadiyaha, kuwaasi oo noqday meelaha ugu wakhti lumiska badan uguna dhaqaale burburka badan.

Odayga sabankani subaxdii marka uu tooso waxa uu soo kaxeeyaa Neef ka mid ah Xoolihiisa waxaanu uu u iib geeyaa Magaalada, isaga oo ku bixiya jaadadka todobaadkaasi uu cunayo waxa uu ka bixin kari waayey caanaha yar ee ay Haweenaydiisu keento Magaalada.

Xoolaha marka uu maalinba mid dhagta jiido ee hal neef laga waayo xerada waxa uu bilaabaa inuu maqaaxiyaha ka taliyo, waxaana uu samaystaa koox afmiishaaro ah oo garta ku goysa mirqaanka, labadii ruux ee khilaaf soo dhex galona loo yeedho ka dibna qofka garta laga helo ganaax lacageed lagu soo rogo, halkaasina ay u noqoto dariiq kale oo u furma Odaygii miyiga, sidii u ugu sii jiro Noloshii Mirqaanka ahayd.
Balwadaha Qaadka, sigaarka iyo buuriga ayaa ka mid noqday nolosha odayga iyo dhalinyarada Baadiyaha, kuwaasi oo ka doorbida khayraadkoodii kuna bedasha waxyaabahaasi Mukhaadaraadka ah oo naftoodii iyo xoolohoodiiba burburiyey.

Haweenka baadiyaha ku nool ayaad moodaa in ay Qabtaan shaqadii looga baahnaa Odayga Reerka, haddii ay noqoto Maamulkii reerka iyo hawl maalmeedkii kale ee xoolaha iyo Beerta, taasi oo ay u dheertahay Caanaha oo ay u iib gayso Magaalada iyo Korriinkii Caruurta, Hawsha Haweenaydu qabato ayaa ah mid ku culus oo aanay wakhtiyada qaar awoodi Karin taasi oo aan loo ogayn Waajibka ay isa saartay oo ay u dheertay Dilmo iyo Daryeel la’aan wakhtiyada ay Xaamilada tahay.
Haweenka ayaa wakhtiyadii hore Samayn jiray Aqal Somali aad u qurxoon oo aan dhaxan lahayn, maalintiina Qabaw ah oo aan laga dareemi jirin kulka qoraxda, kaasi oo ka samaysnaa Kabad, Alool, dhigo, udub, jarco, lool iyo hararo xariir ah oo ka kooban isku joog, todobaale, googoos, shanle iyo seddexle, sidoo kale waxaa iyana ka mid ah Agabka lagu dhiso Aqal somaliga, kabadda oo dhawr nooc loo sameeyo sida isku rogan, qurban,caasha cad iyo isku dhafan, waxa kale oo jira harraro kale oo guriga dhinacyada lag saaro oo kala ahaa hoos galis, foodsaar iyo gees galis kuwaasi oo laga sameeyo cawska cad ee loo yaqaano dareemada, juuqada iyo saxatida, waxaase maanta bedelay Aqalkii noocaasi ahaa mid ka samaysan daasadaha saliidu ka dhamaato, bacaha waawayn, dharka huga ah ee la tuuro iyo waxyaabo kale oo la mid ah . kaasi oo aan lahayn dugsoonkii Aqalka Somaliga la yaqaanay habeenkii iyo raaxadii uu caanka ku ahaa Aqal Somaligu.

Guurka oo ah isku Xidhka koowaad ee Bulshada kaasi oo lahaa dhaqan iyo hab maamuus ixtraam badan oo xishood ku dheehnaan jiray waxaanu isu bedelay mid aan qiimo badan lahayn oo aanay ku jirin tixgalintii gacalka iyo xigtada, inanta baadiyaha joogta Habeenkii ayaa la kaxaystaa iyada oo aan Waalidkii dhalay ogayn waxaana la geeyaa Guriga ninka guurdoonka ah abtigii ama adeerkii, kadibna subaxnimada ayaa la geeyaa Hibada reerka inanta dhalay, laba todobaad gudohood waxaa lagu dhisaa Gurigaasi, maalinta todobaad ayay Sodohdu Xeedhyaha keentaa waxaana halkaasi ka dhaca Ciyaaro aad uga duwan kuwii hore loogu ciyaari jiray Miyiga, waxaa jira Heeso aflagaado ah oo lagala hortago haweenayda Sodohda ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin “Galaan la saloolay soo sidatooy wallee sac dhalaanad sii wadin” taasi oo ah aflagaado cad oo lagula kacay marwadaasi aan waxba galabsan, waxa kale oo ka mid ah erayada cayda ah ee la isticmaalo “Salaan iyo sooryo ha iga hadhee Sibrahan Qaluun saliid mari” ereyadaasi iyo qaar kale oo ka daran ayaa laga dhigay hees lagu soo dhaweeyay gacalkii ka dib markay keenaan xeedhyihii iyo wixii ay allaab u sideen Reerka Cusub, waxaa iyana jira Aflagaadooyin noocaas ah oo lagula kaco aabaha ama sodoga taasi oo ereyo ka mid ah haddii aynu soo qaadano aad la yaabayso waxa ka dhacaya meesha sida “Iimaan laawe inanka aabihiiyoow miyaan oomanoow laguu iman”

La Soco Qaybta Labaad

Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland