Geeddigii Nololeed Ee Dr. Aadan Yuusuf Abokor

 

18kii bishan November, 2020, ayuu Ilaahay ha u naxariistee Dr. Aadan Yuusuf Abokor ku geeriyooday dalka Turkiga, oo loo geeyey xanuun hayey si loogu soo daweeyo. Dr. Aadan, waxa uu leeyahay taariikh ka la duwan, waa nin door weyn ka soo qaatay hanaqaadkii ururada rayidka ah ee Somaliland. Waxa kale oo uu ka mid ahaa kooxdii UFFO ee 1982kii dawladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya xukunnada adag ku ridday, isaga oo siddeed sano ku xidhnaa xabsigii Labaatan Jirow. Xabsigaas oo ay ku wehelinayeen rag ay asxaab ahaayeen, oo eedda ugu weyn ee loo haystay ahayd: in ay is abaabuleen oo ay si mutadawacnimo ah dadkooda ugu shaqaynayeen; waa na sababtii ugu weynayd ee loo xidhay loo na xukumay.

Wareysiga idinku soo socda oo uu Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare” 27.05.2011 la yeeshay Dr. Aadan; xilligaas oo uu ka fadhiistay shaqo uu afar iyo toban sano ka hayey hay’adda Progresio, oo uu madax ka ahaa xafiiskeeda Somaliland, waa wareysi ku saabsan taariikhnololeedkiisii wixii ka horreeyey 2011.