Geeddi-Socodka Dimuqradiyada Somaliland,Iyo Baahida Aragti Hormood Ah Oo Hoggaamisa? W/Q: Qoraa Aadam Muuse Jibriil – Q.1aad

Aadan Muse Jibriil
Aadan Muse Jibriil
Aadan Muse Jibriil

Halkan waxaanna akhristayaasha uga soo tebinayaa qoraalo ku saabsan lahaansha Aragtida aqoonta ku dhisan (Vision) ee madaxda siyaasadda, ama la’aanteedu sida ay u saamayso hagidda siyaasadda dalkasta. Aniga oo ka shidaal qaadanaya waayo-aragtidii Somaliland inti ay jirtey. Waana iskuday aan isku deyayo in aan dib u eego Geeddi Socodkii siyaasadeed ee somaliland, iyo waxa laga faaiidaysan karo. Qoraalkan oo u qaybasanaan doona dawr madax oo koob kooban oo taxane noqon doona. Kaas oo tiir-dhexaadkeedu noqon doono, kaalinta aragtita hormmodka ahi  ka qaadato horumarka bulshada Aadamaha ama dibu dhaceeda taariikheed, iyo sida runta iyo aragtidu ayna u kala maarmi karan. Ahmed Sinlanyo ayaa waxuu hal-hays u lahaan jire waqtii halgganka hubaysan ”Runtu ma Fantaa?”. Waa dhab oo Runtu marnama Fanto maaha. Allow runta na waafaji.

Dhaaxaa wax badan warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland, sheekooynka majaalista qaadka, iyo doodaha maakhayadaha shaahaba dhaliilo looga jeediyaa xukuumadda Silaanyo. kuwaas oo in badan buux-dhaafiya weelka dareenka tabashaada dadweynaha. Runtiina dhaliilaha la sheegaa, mid dhaba ha ahaato, ama mid la buun-buuneyey ha ahaatee midna kuma ekayn wax ka sheegga Xukuumaddan hadda jirta. Arrinku waa mid soo taxnaa, teeriyo xukuumadihii tan ka horreeyey, intii Somaliland dib u dhalatay. Hase ahaatee, waxaad mooddaa in aanay jirin cid si buuxda ama si toos ah u tilmaanta waxa saldhiga u ah dhaliilaha iyo sababaha keenay midnaba. Sida aan u arko, waxaa dhaliilahan keenayaa waa Daalaa-dhaca geeddi Socodka siyaasadda Somaliland, gaar-ahaan intii Xukuumaddan Kulmiye jirtey. Waxay ila tahay, in meesha sartu ka debecdey aan weli si toosa loo abbaarin. Taas oo ah aragti la’aan ama aragti gaabnida (Lack of sufficient vision for a National strategic Agenda) ee madaxda siyaasadda. Hadda ogowbey, waxa laga hadlayaa maaha Silaanyo, Rayaale iyo mid kale toona. Waxa laga hadlayaa waa Adduun-aragga qofka iyo sida ay u saamayso nolosha siyaasadda ee dalkiisa, gobolka iyo Adduunka.

 

Haddaba, waa maxay Aragtidu?. ‘Araggitidu’ waa Adduun-aragga, amase ‘vision’,  Taas oo qofku gaadho marka uu yeesho Cilmi iyo Dhaqan Caalami ah oo aad uga durugsan kan reerka, kan dalkiisa iyo kan gobalka uu ku noolyahaba, kaas oo gaadhsiisan heer caalami ah oo ku bannaan in uu ku abtirsado waqtiga la joogo iyo dhaayihiisa.

 

Nelson Mandela, ayaa buugiisa, ”A long walk to Freedom”, wuxuu ku sheegay sida uu uga gudbey dareennada heerarka, Qabiilkiisa ‘Khosaha’, iyo kan Midabka ku dhisan, ee uu ugu gaadhey heerka feker ka balladhan kana mugg wayn oo ah adduunn-arag Caalami ah oo Casri ah.

 

Aragtidu waxay kulmisaa saddex arrimood oo xoogga ka masa ah; 1) Faham qotodheer dhinaca taariikhda Adduunka, guud ahaan, si gaarana dalkaaga. 2) Dareen iyo Faham mugg leh oo ku saabsan macnaha dhabta ah ee ay xambaarsan yihiin dhacdooyinka markaas socdaa, 3) Maskax awood badan oo iftiimin karta sida dhacdooyinka soocdaa u saamayn karaan mustaqbalka dhow, midka dhexe iyo kan fog ee dalkaaga, kan gobolka iyo caalamka oo dhan. Isku xidhka saddexdan arrimooda ayaa la odhan karaa waa ARAGTI CASRI ah, oo cilm iyo xigmad ku dhisan. Taas oo saldig looga dhigi karo qorshe hawlweed waddani ah oo muddo dheer ah (Long Term Strategy National Agenda).

 

Sidaas oo ay tahay, haddana arrinta Aragtidu intaas weliba way ka sii mug weyn tahay, qoto iyo balladhba. Waxaanay koobtaa feker iyo dareen hormood ah oo ku saabsan arrimaha waaweyn ee horyaalla Aadamha  dhammaantii. Sida xuquuqda Insaanka, gaar ahaan Dumarka, Cimilada adduunka (environmental issues), horumarka iskaashiga  caalamka iyo iwm. Aragtidu waxay qofka siisaa awood uu si caqli gal ah ugu xallin karo khilaafaadka, kuna kala garan karo khilaafaadka taagani nooca ay yihiin (Fundamental or secondary) iyo sidoo kale sababaha keenay. Iyo qaabka ugu habboon ee xallintooda loo maarayn karayo. Iyo weliba sida ay u kala mudan yihiin, ama u kala daran yihiin.

 

Metaal ahaan, u sinnaanta khayraadka dalka iyo awood qaybsigu hadduu dhinac u dheelliyo, markaasi khilaafka ka dhasha ama isqabadku waa mid aasaasi ah (Fundamental  Conflict). Isqabadka aasaasiga ah waa in si mabd’a ku dhisan loo xalliya.  Awood-qaybsiga iyo dhuuni-qaybsiga waa in la isu dheeli tiraa. Waa tii horeba loo yidhi ”laba la hinjiyaba waa hunguri kii horrayn jiraye”. Haddii sidaas la yeeli waayo, oo la iska indha tiro xaqiiqdaas nolosha tooska u taabanaysa, markaas ayey dhacdooyinku noqdaan kuwo dhaalaa-dhacaya oo aan cidi aragti lihi hoggaminayn.  Markaas waa in la ogaada in cagta la saaray waddadii Burburka iyo Fashalka dawladnimo (Failed State phenomenon). Haddaba, Mincnaha wayn ee ku jira hoggaaminta dhacdooynka iyo hoggaamin la’aantuba halkan ayay si cad uga muuqataa.

 

Dhacdooynka maalmuhu waa saldhiga mustaqbalka berrito ee dalka kasta. ”Haddii la huggaamin waayo ayaga ayaa ku hoggaamiya”. Dhacdooyinku waa fal maalmeedka Aadamuhu sameeyo maalin kasta (ka soko tan guud ee doonista Eeebe ku xidhan). Waana wax sida daadka u socda, oo u baahan in loo sameeyo biyo mareen ballaadhan oo isu keena biyo-shubka laagaha, biyo-mareenada yar yar oo dhan. Biyo mareen balladhan oo  lagu wajahayo meesha danta dalku ku jirto. Dhacdooynku waa sida biyo soo rogmaday oo mar haddii ay waayaan biyo-mareen ballaadhan oo ay ku quluqlaan meesha looga faaiideysan karayo, markaas waxay jabsadaan gidaarrada. Dabadeena waxay keenaan burbur iyo kharaab. Waxaana ka dhasha masiibooyin iyo fawdad aan la xakamayn karayn. Sidas waxaa ka dhigan hoggaamin la’aanta Geeddi Socodka Siyaasadda. La soco.

 

Qalinkiii Aadan Muuse Jibriil

Email: adamjibril@hotmail.com