Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ka warramay Hawlaha Xafiiskiisu qaabilsan yahay iyo Sababta xukuumadihii hore u magacaabi waayeen

Hargeysa, (SLpost)-Garyaqaanka Guud ee Dawlada Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyey sababaha loo aasaasay xafiiskiisan cusub, hawlaha uu qaban doono iyo faraqa u dhexeeya xeer-ilaalinta guud iyo xafiiskiisa, waxa kale oo uu ka waramay heerar kala duwan iyo hindisayaal marba duruuftooda lahaa oo xukuumadihii kala danbeeyay ka damacsanaayeen xafiiskan.
Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan oo shalay xafiiskii ugu xog-waramay Wargeysa Ogaal ayaa sheegay inay samayn doonaan meel laga helo xeer kasta oo soo baxa. Garyaqaanka Guud ee dawladu isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “Xafiiskan inta aanaan gudo-galin waxa uu qaranka u qabto, horta dawladii Soomaaliya xafiiskani waxa uu ahaa xafiis jira. Laakiin intii Somaliland lagu dhawaaqay aan la samayn xafiiskan haba yaraate, laakiin 2003-dii markii la sameeyey Xeer nidaamka garsoorka la hintisay mar labaad in xafiiskii uu soo noqdo oo dib loo abuuro. Isla markana la caddeeyo waajibaadkii xilka iyo masuuliyada uu qaranka u qabanayo, xilligaa wixii ka horaysa way jirtay intaan xeerka la samayn  waxa hindisay Maxamed X. Ibraahim Cigaal in xafiiskan la sameeyo.” ayuu yidhi garyaqaanka Guud ee Qaranku Ibraahim Iidle Saleebaan
“Laakiin dib ayuu u dhigay maadaama oo aanu samaysnayn xeerkani waxaanu ku taliyay in Xeer Ilaalinta Guud ay sii matasho xaafiiskan.Laakiin  markii xeerkan la samayey ee uu golaha ka baxay ee uu saxeexay Md, Daahir Riyaale Kaahin. Saxeexidiisii kabacdi isaga oo aan lagu dhawaaqin xafiiskan dhismihiisii, ayaa waxa dhacay isbedelkii labada xukuumadood xillka kula kala. Markaas ayay dhalatay in la abuuro xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku, maadaama oo xeer ahaan u jiro oo uu xeerku abuuray ama sharcigu aqoonsaday, isla markaan uu sameeyey waajibaadka iyo xilka uu qaranka u qabanayo.
Waxaanu sheegay in qofkasta oo xil qabta ay fiican tahay in lagala xisaabtamo oo la waydiiyo xafiiska Garyaqaanka guud isaga oo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi “ Haddaba su’aashu waxay tahay waa maxay waxa uu xafiiskani qabanayo ama sharcigu u dejiyey ee bulshada u qabanayo waa beri ka maalin in qofkii xilkan haya lagala xisaabtamo oo la waydiiyo xafiiska Garyaqaanka Guud sida uu xeerku tilmaamay waxa uu ku soo koobay xeerku laba qoddob oo kala ah 48 iyo 49naad.
Waxa uu qodobka hore ku tilmaamay waajibaadka uu qabanayo qaranka oo ka dhigay faafinta rasmiga ah ee shuruucda, waad ogtihiin distoorku  waxa uu tilmaamaya xeerku waxa uu dhaqangala noqonayaa marka ay labada gole ansixiyaan ee uu Madaxweynuhuna saxeexo markana lagu faafiyo faafinta rasmiga ah. Xeerkastana waxa ku qoran waxa uu dhaqangal noqonayaa marka la sameeyo faafinta rasmiga ah, ilaa iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay ilaa iyo yoomul hadda faafintii rasmiga ahayd ee la yidhi shuruucdu waxay dhaqangalaysaa marka faafintii rasmiga ahayd lagu sameeyo may jirin cid ka masuula ahina oo gaar ahina may jirin cid samaynaysan may jirin.Waa maxay shuruucda la faafinayaa? Waxay noqonaysaa xeerarkii Barlamaanka waayo? Xeerarka waxa loo faafinayaa waxa weeye dawladu waxay dalka ku maamulaysa waa xeerarka dadka waxa lagu maamulayaana waa xeerka ee laga rabo inuu ku dhaqmo ama uu hogaamsamo. Sidaa darteed qofkii laga rabay inu xeerka u hogaansamo ee ay dawladdu ku maamulaysay ee masuuliyiinta qaranku ay fulinayeen waa inuu qofkii ogaada, sidoo kale hay’adihii dawladu laan kaste ha noqote waa inay heli karta ama heer degmo ama xukuumad dhexe ah noqote, xeerka dalka ka soo baxa ee dadka lagu maamulayo waa inay heli karto oo ay haysan karto, ayaa ka masuula inay faafiso oo ay gaadhsiyaan xeerka xafiiska garyaqaanka guud.in la sameeyo faafintii rasmiga ahayd dalkana laga gaadhsiiyo koone ilaa koone waa in qofka jooga Lowyo-caddo uu heli kara xeerkan ilaa qofka jooga gobolka Sanaag halka ugu dambaysa waa inuu heli kara xeerkan. Sidaa ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee Qaranku Ibraahim Iidle Saleebaan.
Isagoo hadalkiisa sii wataan waxa uu intaa ku daray “Maaha oo kaliya marka laga hadlayo xeerarka dalka xeerka ka soo baxa Barlamaanka, waxa jira xeer Madaxweyne waxa jira xeer Wasiiro oo digreetooyin leh ayaa jiraa oo dalka lagu maamulayo. Sidaa darteed xafiiskan ayaa ka masuula inuu dalka gaadhsiiyo shuruucda dalka, hargeysa haddii aad maanta istidhaahdo xeer doono ma kuu sahalantahay inaad hesho waa maya?Waa in qofka reer hargeysi ahi isaga oo aan weliba xafiiskan aan imin waa inay jirta dariiqo uu ku heli karaa. Marka maxaa xafiiskan laga raba inuu sameeyo waa inuu shuruucid uu sameeyo oo dadkii isku xidho waa mid ka mid ah waajibaadkiisa taasi waa qoddob. Waxaa waajibaadkiisa ka mid ah sida uu xeerku tilmaamayo la-talinta xukuumadda iyo laamaheeda, xukuumaddu marka la eego tallaabooyin ayay qaadaysa shuruucbay samaynaysa ay Barlamaanka u gudbinaysa, shuruucbu Barlamaanku samaynaya xukuumada ayuu u soo gudbinaya go’aamay samaynaysa waxa ka dhalanaya raad sharci. Xafiiskani waxa uu u qabansanyahay inuu xukuumada kala taliyo wixii sharciga ku saabsan.”
Mar waxa laga waydiiyay in ay dhinac iska shabahaan xeer ilaalinta qaran oo ay awoodaha badan ay iska mid yihiin iyo waxa ay arrintaasi xafiiskiisa ku keeni karto waxa uu yidhi “Xafiiska garyaqaanka guud iyo xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranku waa laba xafiis oo sharci oo ay dawladu leedahay, labaduba-na adeeg sharci ayay dawladda u qabtaan. Xeerku markii uu tilmaamayay mandate-kan ee uu dhigay xilka iyo waajibaadka xafiiska garyaqaanka guud, sidaas oo kale waxa uu dhigay xilka iyo waajibaadka xafiiska xeer ilaalinta guud ayuu iyadan gaar u taxayaa. Xafiiska xeer ilaalinta guudna waxaas ayay ka masuul tahay, marka taas ayay ku kala duwan yihiin labada xafiis oo ay mid waliba hawsheeda u qabta.” Ayuu yidhi
Mar wax laga waydiiyey xaalada imika ee xafiiskiisu ku sugan yahay maadaamo uu xafiiskani qabto shaqo adag maxaad u baahan tahay in laga taageero isagoo arrimaha ka hadalaya waxa uu yidhi “Wallaahi waxa weeyaan dawladdu markii ay dhisaysay ee ay go’aansato inay dhisto baahidiisa dawladu way dareentay , markay dareentay in la dhiso waxay dawladdu u baahatay wixii hawshiisa socodsiin lahaa inay meesha keento. Marka xafiiska iyo aasaasidiisu waa waxay dawladdu qabtay, anagu wixii aanu dawladda u qaban lahayn waanu bilownay marka waxaanu doonayna maadaama oo xafiiskani hawl badan qabto inaanu gaadhsiino heer gobol ilaa heer dego haddii Illaahay idmo.”
Mar wax laga waydiiyey inay difaaci doonaan xukuumada oo si guud iyo si gaar ahba masuulkii laga dacwoodo ay u difaacayaan iyo inay dhex ka noqonayaan oo dacwada eegayaan waxa uu kaga jawaabay, “Anagu waxa aanu difaacayna xukuumadda, qofku isaga oo leh sifada dawladnimo marka lagu soo ashkateeyo oo hawl dawladu leedahay lagu soo ashkateeyo waxa weeye waa masuul dawladeed, marka qofku masuulka maahe waa dawladda. laakiin isaga oo hebela haddii la soo ashkateeyo waa kiis kale.” Ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee dawladu.
Mar wax laga waydiiyey inay jiraan laamo hoos yimaada xafiiskiisa inay jiraan iyo inkale ayaa waxa uu yidhi “Hay’ad waliba cida ka masuula ayaa matasha , markaa xafiiskan aniga ayaa masuul ka ah, marka xafiiskasta waxa uu leeyahay shaqaale oo ma banana inay dawladu iska bixiso xafiis aan shaqaale lahayn. Marka xafiisku shaqaale ayuu leeyahay oo qaybo kale duwan ayuu u kala baxa xafiisku.
Mar wax laga waydiiyey inay jiraan xeerarka la faafiyay meel is rasmiha looga heli karo inay jiraan iyo inkale waxa uu yidhi “Faafintu waxa weeyaan laba waji, mar walba waa inaad hesha xeerka sannadka soo baxay ha ahaado xeer Madaxweyne ama xeer Barlamaan ama xeer Wasiir waa inaad sannadkii hesha. Imika waxa weeye waxa ugu dambeeyey Xeerka Nidaamka iyo Ururada iyo Axsaabta Siyaasada oo qofkasta oo reer Somaliland ahi wax uu maanta u baahanyahay oo xaq u leehayah meel kaste dalka ha ka jooge. Marka sannadkii sidaa loo baxo oo mid  walba sidaa loo faafiyo, dhammaadka sannadkan waxaanu doonayna inuu soo baxo buugg la yidhaahdo (Faafinta rasmiga ah).

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net