Garsoore lagu Eryey Go’aankii Maxkamadda Maroodijeex ku Fasaxday HUBAAL oo sharraxay Sababtii keentay in shaqada laga fadhiisiyo

Hargeysa (SLpost)- Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa sheegay inaanu ilaa wakhtigan wax waraaq ah oo xil-ka-qaadistiisa tilmaamaysa ka helin Guddiga Caddaaladda ee Somaliland, balse uu ka maqlay oo kaliya warbaahinta.

Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac oo dhowaan go’aan ka soo saaray dacwad loo haystay Wargeyska Madaxa-bannaan ee Hubaal oo xayirnaa muddo sannad iyo dheeraad ah, kaddib markii maxkamadda la horkeeni waayey caddeymo iyo markhaatiyaasha dacwad u dhaxaysa taliska ciidanka Booliska, ayaa xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku sheegay go’aankaas kaddib in shaqada laga eryay garsooraha oo uu ku eedeeyey inuu si qarsoodi u maxkamadda uga soo saaray go’aankaas.

Garsoore Xuseen MaxamedGo’aanka Garsoorahani soo saaray waxa buriyey oo isla maalintii ku xigta oo ku beegnayd Axaddii todobaadkan Amar mar kale lagu xayirayo Wargeyska Hubaal soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Cabdirashiid Durraan.

Haddaba, Garsoore Xuseen Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa ku dooday inaanu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku isaga xilka ka qaadi Karin, balse uu ka war-helay inuu Xeer-ilaaliyuhu qoraal uu ku eedaynayo u gudbiyey Guddiga Caddaaladda oo uu sheegay inay isaga taageereen.

Garsooruhu waxa uu ugu horeyn uu si cad u qeexay tallaabadii uu u maray go’aankii uu Wargeyska Hubaal ku fasaxay, isaga oo sheegay in Maxkamadda Racfaanka oo hore u xayirtay Wargeyska Hubaal ay Maxkamadda gobolka dib ugu soo celisay kiiska dacwadda Wargeyska oo xeer-ilaalintu hore racfaan uga qaadatay. Garsooruhu waxa uu sheegay in dhinaca dacwadda ku oogaya Wargeyska Hubaal iyo markhaatiyeyaashoodu aanay ka soo xadirin tiraba dhowr fadhi oo maxkamaddu u mudeysay dhegaysiga Kiiskan.

“Waxa dacwaddii wargeyska Hubaal aan ku fasaxay igaga timid maxkamada raacfaanka ee gobolka Hargeysa, iyaddoo gudoomiyaha gobolka Hargeysa Cabdilaahi Ismaaciil Deg dego go’aan ka gaadhay kiiskan oo aan ka duwanayn go’ankaas aan anigu gaadhay. Markii dacwadii maxkamadda ay soo gaadhay waxa aan ku mudeeyey dacwadan wargeyska Hubaal lix fadhi oo aanay ka soo xaadirin dhibanayaasha kiiskan. Markii aan go’anka aan gaadhay maalinti isniintii subaxii hore faylkii kiiska waxa qaatay guddoomiyaha maxkamada racfaanka Cabdirashid Duraan,” sidaas ayuu yidhi Garsooruhu.

Isaga oo ka hadlayey sababtay keentay in xeer-ilaaliyuhu go’aanka maxkamadda ka soo baxay ku tilmaamo mid tuugo ah iyo inuu dacwad uga gudbiyo Guddiga Cadaaladda, waxa uu Garsoore Xuseen Maxamed yidhi, “Talaabada uu qaaday xeer ilaaliyahu ka dib go’aankii xayiraada aan ka qaaday wargeyska Hubaal, ayuu ka xanaaqay oo racfaan ka qaatay isagoo xaq u leh inuu qaata racfaankaasi. Laakinse arrinta shaqo ka joojinta uu aniga iga joojineyo xaq isagu uma laha inuu iga joojiyo. Marka horena wada shaqeyn hagaagsan kamay dhaxayn garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyaha, cabaahada xeer ilaaliyaha ayay gudida cadaaladuna tiisa ayay dhegaysteen waraaq shaqo joojin ah ayay qoreen. laakinse aniga waraaqdasai iimay soo gadhin.”

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa maalin kaddib Xayiraaddii Maxkamadda Racfaanku mar kale saartay Hubaal oo beegnay maalintii Salaasada, waxa uu ka halday go’aanka Garsooruhu ku fasaxay Wargeyska, isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa mid hab tuuganimo ah oo aanay Xeer-ilaalintu waxba ka ogeyn uga soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodijeex.

SOMALILANDPOST.NET