Garsoore Baastoolad Ula Soo Baxay Ciyaartooy

 

Rio de Janeiro (SLpost)- Ciyaar kubadda cagta ahayd oo ka dhacaysay dalka Brazil ayaa mar keliyo isu beddeshay xaalad colaad iyo cabsi badan kadib markii si u qaadan waa noqotay uu garsoorihii ciyaartan dhex dhexaadinayey baastoolad badheedh ugula soo baxay mid ka mid ah ciyaartoygii labada kooxood ee uu dhex-dhexaadinayey.

Garsoorahan ayaa la arkay isaga oo baastooladda ugu hanjabaya taageerayaal ciyaartan daawanayey oo ka cadhooday garsoorahan oo ciyaarta ka saaray mid ka mid ah ciyaartoyga kooxda ay taageersanaayeen.  Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in ciyaartani ay dhex maraysay laba kooxood oo isku degmo ahaa, ciyaarta oo meel aad u xasaasi ah maraysa ayaanu garsooruhu kaadhka casaanka siiyey ciyaartoy uu u arkay in aanu si habsami ah u ciyaarayn, laakiin waxaa arrintaas ka biyo diiday ciyaartoygii kale ee kooxda iyo tababarahooda oo u arkay in aanu saaxiibkooda kaadhka cas mutaysan, mid ka mid ah ciyaartoyga ayaana weerar afka ah iyo haddidaad gacanta ah ku qaaday garsooraha, taas oo uu garsooruhuna kaga jawaabay in uu la soo baxo baastoolad uguna hanjabo ciyaartoyga, tababaraha iyo xubno taageerayaal ahaa oo iyaguna buuqa soo dhex raacay.

Muuqaal Fiidyow ah oo dhacdadan laga duubay ayaa laga arkayaa gacan-yarayaasha garsooraha oo isku dayaya in ay dejiyaan xaaladda, isla markaana kula talinaya garsoorahan oo lagu magacaabo Martha Gabriel in uu baastoolada xareeyo. Xidhiidhka kubadda cagta ee degmada uu shilkani ka dhacay ayaa mar dambe caddeeyey in garsoorahani uu ka tirsan yahay ciidamada booliiska isla markaana ka mid yahay garsoorayaasha u diiwaangashan xidhiidhka kubadda cagta ee dalka. Garsooraha oo isagana arrintan wax laga weydiiyey ayaa ku andacooday in sababta uu baastooladda ula soo baxay ay ahayd in uu naftiisa ku difaaco kadib markii uu arkay in la soo weerarayo.

Garsoorahan oo arrintiisa loo gudbiyey guddida anshax marinta ee xidhiidhka kubadda cagta dalka Brazil ayaa la filayaa in inta aan tallaabo laga qaadin marka hore loo diri doono dhakhtar hubiya xaaladdiisa caafimaad.

,