Garnaqsi

Guurkeennu waxa uu ahaa xigsiisan oo haddaan walaashaa wedku dilin iskumaynaan imanneen oo ooridayda maad noqoteen anna odaygaaga maan noqdeen. Marxuumaddii aad baannu isugu

wanaagsanayn oo anaga oo is haysana lama arag. Waxba iskumaanaan wanaagsanayne iyadaa qof xalaala ahayd oo dulqaad badnayd.  Anigu intaa waan hurdaa oo ma shaqo tago. Maxaan shaqa tagaa dhulkaba shaqo ma taallee. Haddii aan kallihi lahaa adiga carruur baa ku hor orodday oo aad igaga mashquulaysaa quraac siintyada iyo anbo bixin tayda. Qaadka yare ee aan shaxaadka kusoo helay ayaad mooddaa inaan xoolo haysto.  Ma aqaan waxa aad mijintan ugu madhmadhayso waxaan u malaynayaa in waxaasi miliqsi iyo mirqaan raadis kaa yahay oo aad is hayn kari la’adahay.

Maalintii dhawayd ee aabahaa aqalka yimi waadigii aniga oo jooga lahaa wuu maqan yahay.  Ma aqaan waxaad uga dan lahayd hadalkaa. Horta laysma caasiyee halkaa sharaftayda iyo taadaba waad dhistay laakiiin igasii sidimaysid oo maalin Ayaan anna sidaa oo kale yeeli. Haddii aynu sidaa isugu xaal qarin lahayn way wanaagsanaan lahayd.

Raggu way wada qayilaan oo walina qaar dumarkoodaa u qaada, waxba ha ii qaadine markaan habeenkii biyo raaciska aqalka la yimaado shaaha iyo biyaha uun makaa helaa?  (Qoraalkan waxa lagu daabacay Weedhsan.com). Haddii aad ogtahay markaanu guriga Baashe fadhino gabadhiisu sida ay shaaha iyo biyahaba noogu roon tahay waxaad mooddaa inay ilmo ay dhashay wax siinayso.  Maqribka inta aanu soo tukanayno inta ay garaabada meesha ka xaado ayay Foox ama Uunsi koba ka ay hesho noogusii shiddaa.  Markaan gabadhaa arko waan hinaasaa I madax mara oo adaan ku xasuustaa ku xasuustaa iyo sida aad igu tahay, laakiin waxaaan niyadda ku dhistaa haddii ay iyaduba wax dhali lahayd sidada ayay odaygeeda u nici lahayd.

Habeenkii inta qaad ah ee ii hadhsan ee aan lasoo hoydo Inta aan dhammaynayo ayaad iska seexataa oo walibana aad iga fogaato oo qolka caruurta tagtaa adiga oo ku marmarsoonaya sigaarkaaga Ayaan ku cabudhayaa.  Waxba ma cabbudhide anigaad iga dhacaysaa oo waan ku ogahay.  Habeenkii haddaan meelahaa iskagasoo qayili lahaa gurigaanad iga furayn.  Wallee anaa dulqaad badane waxaad waddaa waa waxay raggu dumarkoodi ku furaan.

Aroortii marka aan jiifo ayaad taleefankayaga qaadataa oo waad baadhaa wabxa kuma idhaah maxaa yeelay waxaan ogahay inaad tahay gabadh hinaase badan. Haddii aad sidaa ii jeceshahay maad qaadka ii qaadid.  Marxuummaddii ilaahay ha u naxariistee jimcayaasha ayay qaadka ii qaadi jirtay aqalka ayay ii gogli jirtay shaah sinjibiil leh iyo sharaab qabawna way iigu dari jirtay, adiguna waxaad ii qaado iska daaye kaan shaxaadka kusoo helay ayaad igu dudaysaa.

Anigu intaas Ayaan kaa tabanayaa iyo walibana qaar kale oo badan oo aan qarinayo.  Bal adna waxaad iga tabanayso soo dhig banka.

Walaashay baad soo hadal qaadee ilaahay ha u naxariisto waxay ahayd qof daggan oo dulqaad badan oo damiin adiga oo kale dadka ku dartay. Ciikii iyo cadhadii ay kaa qaadday ayay la god gashay.  Dhimashadeedii ayaa la ii kaasoo xareeryay.  Habeenkii aqalkan baas la iigu kaa keenay qaad baad afka ku haysay, sariirtii ay walaashay ku ciishoon jirtay ee cirradii madaxeeda caddaysay kaga soo baxday ayaad jiqlaysanaysayd. Macawistii hunka ah ee aad guntanaydna waxay ii caddaynaysay inaanad imaatinkayga dan ka lahayn.

Habeenkii aan foolanayay ilmaheena curad waadigii iska fadhiyay maqaaxidii ilma Caano-dhame.  Markaan arko dumarka foolanaya ee raggoodii aanay mar kaliya ka faaruqin Ayaan adiga ku xassutaa oo aan indhaadaaa nasiibkiikaa kaa xumaaday. Waa nasiibe waa kii ilaahay isoo kala furtay waanigii dhalay curadkeena Rooble. Maxaan u odhanayaa Rooble oo kaliya afartaba intaan dhalayay waxaad fadhiday maqaaxidaa.  Aniga oo ilmo dhabta ku haysta ayuun baad albaabka kasoo gashaa aabbaad iskaga tidhaahdaa ana waan kaa ogolaadaa illayn anaa wax kugu darsadee.

Dhabarkayga Ayaan kusoo dhaamiyaa biyaha aad dhididka iyo dhagartaad iga gasho iskaga maydho.  Dhibbaad nagu haysaa aniga iyo caruurta oo hashkaagii iyo garaabadaadii Ayaa aqalka meel walba noo daadsan.  Dhiggaa wuu shaqaystaa oo dalkan aad eedda saarayso ayay saro dhaadheer ka taagteen iyaga oo aan dhoof iyo dhul shisheeyana tagin, adna qaad ii qaad baad iigu dudaysaa.

Ninka iyo gabadhisu way wada shaqaystaan oo midna hawlaha dibada ayuu ku foofaa midna kuwa gudaha ayuu agaasimaa adigu midna igaga ma filnid.  Dhag xumo haddaanan ka baqanayn wadooyinkaan ku eryan lahaa oo waa la inoo golayn lahaa.

Marka aad leedahay taleefoonkayga ayaad baadhaa arrinkaasi waa mid jira waana shaqadayda inaan kuu hinaaso iyo inaan kaa werweraaba. Inaan kaa werwero waxa keensanaaya carruurta inaga dhaxaysa, hinaasahana waxa iga keenaya waa inaanad inan kale oo soomaaliyeed qadar jabin.

Qoyskeena dib u dhacay waxaa u sababa adiga, aniguna in kasta oo aan dadaalayo oon taydii dumarnimo iyo tii raganimaba guntiga u xidhay waan wada kafayn kari waaayay oo halkaa waxaa kasoo baxday taydii dumarnimo inaad i caawisana kaamaan dalban maxaan kaa dalbadaa waxa dhabarku ila jabanyhaay ee aan ka gayoon la’ahay waa masuuliyaddaadii.

Furitaanna habeen qudha kaama dalban maxaa yeelay afarta carruura ee aan kuu hayo, kuuma hayee aan haysto. Haddii aad sidan isku dhaami waydana furitaan iyo wax ka xunba way iman.  is dhaliilsigaananina iyo kala cabashadeenani odayaal baa ka fadhiisan inagana go’aanku faraheena wuu ka bixi.

Hore iyo gadaal toona sidan kuu lamaan garnaqsan oo aqalka ayuun baad iisoo huluulan jirtay sidi neef xoolo ah oo aan dhaqdo, laakiin maanta intaa aan kugula garnaqsaday waa qayb yar oo aan kaagasoo garoocday waxa laabtaydu ku shubanaysay intii aan is qabnay oo dhan; waana waqtigii ugu haboonaa ee aan kula garnaqsan lahaa; maxaa yeelay adiga ayaa bilaabay garnaqsiga iyo is dhaleecaynta. Ogowna I fur inaanay ahayn kalmadda aan isticmaalayo laakiin inaad noloshaada dib u eegto oo aad wax ka badasho ayaan rabaa oo taladaydu tahay.

Gacaliso caawa waxaaban ka baqay inay sariirtu isla keen rogto.  Caawa waad Iga qiiraysiisay ooo waxaan dareemay ficiladaan samayn jiray iyo eraydaan kugula hadli inay ahaayeen kuwo meel ka dhac ku ah nolosha qof islaam ah. Run ahaantii inaan dhaqankaygan gurracan soo af jaraa waa mid waajib ah, laakiin hal maalin waxba iskuma badalaan oo waqti ayay qaadan doontaa inaad ii dulqaadan doontana waan kaa filayaa inta aan isbadalayo.    Inay afar carruura inoogu dhashaan aniga oo maqaaxi dabaddda kula jira waan ka xumahay oo xaal ayaan ka bixinayaa. Waxaan caawa go’aansaday inaan wixii ka danbeeyay noloshayda iyo ta qoyskeenaba wax ka badalo siday isku dhaamo.​

 
Ismaaciil Cabdiqaadir Ismaaciil “Maslax”

Email: maslaxsomali@gmail.com