GARAWSHIYO MISE GODOB? – Qalinkii: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

Wariye Cabdishakuur Heersare
Wariye Cabdishakuur Heersare
Wariye Cabdishakuur Heersare

Inta badan dadku waxay dhibsanayaan gardaradiisa, meel-ka-dhacyadiisa iyo khaladaadkiisa isdaba joogga ah. Wuxuu ka arradan yahay degenaanshaha iyo ka fiirsashada wax yaabaha qarribaya hab-dhaqanka suubban ee suurtagelinaya wada noolaanshaha bulshada. Waa qof mar kasta ku jira dirir iyo difaac. Dulqaadkiisa iyo cadhadiisu way kala awood badan yahiin oo waxa mar kasta hogaaminaya dulqaad yaraanta. Qofka astaamaha noocan oo kale lehi wuxuu tusaale fiican u yahay dadka ku sifooba inay ku yar tahay garawshiyuhu, isla markaana xilli kasta ka qoomameeya godobaha uu galabsado.

Garawshiyaha iyo godobtu waxay doorar kala duwan ku leeyihiin nolosha maraaxilladeeda kala duwan. Waxay labaduba horseedaan guul iyo guul-darro la soo derista geeddi-socodka nololeed ee qofka. Inaad ku noolaato nolol dhawrsoon oo dhidibadeedu adag yihiin waxa hirgeliya “Garawshiyaha.” Inaad cidhiidhi iyo cuqdad ku noolaatana waxa abuura “Godobta.”

Qodobada garawshiyaha

1-fikir furan

2- feejignaan fiiro ku dheehan tahay

3- Ficil aan degdesiiyo lahayn

4- Garasho mugleh

5- Hal-abuurnimo iyo hubsasho

6- Go’aan qaadasho deggan iyo dul-qaad

7- Xaqdhawr

8- ka digtoonaanta xasaradaha godobta abuura

9- Xidhiidhinta iyo xod-xodashada toolmoon ee dadka

10- Iska ilaalinta xaasidnimada dadka kala fogaysa

Qodobada godobta

1- Dagaalka joogtada ah

2- Meel-ka-dhacayada iyo xad-gudubyada

3- Nacaybka iyo naxliga

5- Khiyaamada, beenta iyo ballan-darrada

6- Ka-talinta masiibooyinka dadka kala dila

7- Ku tumashada xuquuda dadka

8- Xaqiraadda iyo handadaadda

9- Faquuqa amma takoorka

10- Keligii noolaha dadka neceb ee dantiisa uun ka taliya

Waxa laga hayaa gabay xaddi; “Soo godobi suritaankaad martaba, sabab qarsoon mahaa.” Meeriskani wuxuu hoosta ka calaamadinayaa in godobtu aanay hadhin, aan la illaabin isla markaana aanay duugoobin illaa la iska cafinayo. Natiijada ka dhalata godobta waxa kale oo daliil u ah meeriskan ku jiray gabay uu muddo hore tiriyey Cabdi Gahayr; “Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaaye, caruurtay kallaysaa ninkii caano baas dhama’e.”

Marka uu qofku miciinsado garashada kana dhigto tusmo uu ku socdo, wuxuu yeelanayaa garawshiyo dhammaystiran. Haddii aad aragtaan qof marka wax loo sheego ka fiirsanaya, ka baaraandegaya kana keenaya su’aalo iyo hubsiimo, waxa aynu qofkaas ku tilmaamaynnaa “qof garawshiyo ehel u ah.” Abwaan Salaan Carrabay ayaa isna sidan gabay ku yidhi; “Xaajona gungume loo faqo iyo garaw hadday waydo, Gabagabaha hal aan gaaxsaday ayaan gun uga yeelaa.” Waxa Salaan gabay ugu martaaqi furaya Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir); “Gashi kaa ma naqnaa iyo ma majirin godob la raadshaaye, Ummad yahay garawsada, xaqaa lagu gayoodaaye.”

Haddii aad aragtaan qof daan-daansi badan, aflagaadada ku daran, dagaalka jecel, dad la dhaqanku ku yar yahay, keligii noole ah, mar kasta jecel inuu aarsado oo aan waxba cafinayn, waxa aynu qofkaas ku tilmaamaynaa “qof gobobta ehel u ah.”

Waxa aynu hadda qayb ka soo qaadanaynnaa maansada Indheer-garad ee ay tirisay Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) oo iyada lafteedu si mug leh u cabbirtay mawduucan aynu ka hadlayno:

Garaad iyo ruux aqoonli

Intaan gole looga yeedhin

Gartiisuu sii naqdaaye

Afgudhiyoow maalintayda

Haddaan tayduun u guuxo

Haddii aan giijo madaxa

Go’aanka digteetar qaato

Galkiyo kala saaro seefta

La soo baxo micidii goodka

Gawskiyo dalqadii libaaxa

Wixii loo gaysto qarankan

Afkooda ku goosanaaya

Haddii aan ciidan geliyo

Ku gura xabsiyada Idhaahdo

Haddaan gardarrada xal moodo

Garawshona yeelan waayo

Guutooyin haddaan rabbaysto

Haddii la’i daba gebleeyo

Haddii lay guul-wadeeyo

Isgaadhsiintu iga baqato

Saxaafadda jeelka geeyo

Anigay ku go’daa idhaahdo

In-dheer-garad ku ma bannaani

Inkasta oo maansadani tahay mid dheer haddana qaybtan ayaa innaga qusaysa oo inoo sheegaysa waxaynu garashada uga baahan-nahay. Waxay qaybtani hogatusaalaynaysaa heerarka garawshiyaha. Waxay muujinaysaa in garashadu aanay ahayn in qofku keligii isku koobo garaadka iyo aqoonta. Waxay iftiiminayaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee in-dheer-garadnimadu ku leedahay geeddi-socodka nolosha qofka beni’aadanka ah. Garashada iyo aqoontu ha ahaadaan kuwo kugu hogaaminaya garawshiyaha, balse yaanay noqon kuwo kuu horseeya isla waynaan iyo inaad dadka garaadkooda yasto/hoos u dhigto.

Sida aynu qodobada hore ku soo sheegnay khiyaamada, beenta iyo ballan-darrada intuba waxay ka mid yihiin shidaalka iyo xaabada ay godobtu ka abuuranto amma ku tiirsan tahay. Waxay horseedaan nacayb iyo kala fogaansho dadka soo kala dhex gala. Waxay dilaan is-aaminaada iyo isu hilawga bulshada. Waxaa hore inoogala dardaarmay in aynu ka fogaanno nebigeennii suubanaa ee Muxamed (NNKH) oo inoo sheegay in saddexdooduba ka mid yihiin calaamadaha munaafaqa. Waxa hubaal ah haddii uu qofku ka dheeraado khiyaamada, beenta iyo ballan-darrada in dadku jeclaanayaan isla markaana aaminayaan.

Qolyaha siyaasiyiinta ahi marka ay ku guda jiraan ololeyaasha ay dadka ku kasbanayaan, waxay sameeyaan ballan-qaadyo badan oo ay dadka ku beer-laxawsadaan, kuwaas oo marka la gaadho xilliga ballan-qaadyadaasi fuli lahaayeen badankoodu beenooba. Arrintaasi waxay sababtaa in siyaasiyiin badani godob ka galabsadaan dadweynaha, taas oo dhaawac xun gaadhsiisa sumcaddooda iyo damacooda siyaasadeed. Waxaana meesha ka baxda is-aaminadii shacabka iyo siyaasiyiintaas.

Godobaha aan inta badan hadhin ee uur-ku-taalada iyo damaqa reeba waxa ka mid ah; Godobta dhagarta amma dadka sida xun ee axmaqnimada ah loo dilo, godobta jacaylka, ta jinsi-faquuqa (takoorka), godobta haweenka ka dhalata sida gabadh si jees-jees ah loogu diiday nin gayaankeeda ah oo ay is-calmadeen iyo godobta ka dhalata marka la laayo bir-magaydada. Godobahan iyo qaar kale oo aynaan xusin-ba waxay ka mid yihiin waxyaabaha buldhada deegaan-wadaagta ah kala fogeeya.

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa isuguna maansadiisa TAAMILO wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha nuxurka qormadan. Waxa uu tilmaamayaa dhibta ay leedahay in dadka la xaqiro, la qiimayn waayo, la iska waynaysiiyo. Waana meelaha ay ka abuuranto godobtu.

Ha tiiftiifin noolaha

Ha ku tuman asaagaa

Ha tandhaafin digashada

Hadba hadal tumaatiya

Tiiqtiiqsi ha u odhan

Arxankiyo tudhaaluhu

Yaanay kaa tafiir gu’in

Qoor taagga kibirkiyo

Qabku yaanu kula tegin

Ha is taawin aadmiga

Tayo inad wax dheertahay

Qof ku taray wuxuu taray

Ha ka dhigin bar kuma taal

Xurmo waa tixgelinteedee

Taalladeeda muunee

Qofka kuu tanaasula

Sida taayir ha u marin

Dadku waa tolkaa iyo

Ciddii aad ka tarantee

Tafaraaruqoodiyo

Ha ka talin wax dhaawaca.

Abwaan Weedhsame wuxuu mar kale si toos ah isu dul taagaayaa nusqaanta ay leedahay in godobta lagu tarsheego, in dul-qaadka iyo wanaagga laga taliyo. Waxa uu dadka xasuusinayaa in mar kasta laga taliyo dhanka xalka lagana dheeraado gocoshada iyo xinka.

Ha ku taamin godobaha

Ha tafniidin boogaha

Hana tuulan gocoshada

Tibta eelka ha ku durin

Tif wax leegna ha u dudin

Dul u yeelo tabashada

Xalka taabka ha u jarin

Xinka toorey ha u tuman

Berri teello u yar dhigo

Wax-san taako uga durug.

Haddii aynu ku soo dhawaanno gunaanadka qormada. Waxa cad in aynu dhinacyo badan iska taagnay Garawshiyaha iyo Godobta oo ah laba hab-nololeed oo qof kasta oo beni’aadan ah hor yaalla. Waxa aan jeclaystay in aan qoraalka ku soo afmeero qayb aan ka soo qaatay gabayga GUDGUDE ee uu hal-abuuray Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), kaas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha waayaha iyo geeddi-socodka nololeed ee dadku la kulmaan gaar ahaan garawshiyaha:

Nin dharaar wuxuun laga guntay, guushu jamataaye

Gobannimadu ruux kuma xidhniyo, Giib ninkii dilaye

Agaabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda

Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade

Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho

Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede

Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye

Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne

Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo

Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban

Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye

Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda

Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,

Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore

Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso

Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa

Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay

Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo

Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda

Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin

Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya

Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin

Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa

Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye

Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye

Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin

Geyigiisa wiilkaan ahayn, gibilka mooyaane

Gun-dhigiisu meel kaa fog buu, geed ku leeyahaye

Si aad uga go’daba ruux ku neceb, gaarar kala yeesha

Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaannin

Godobtaada meelee intaan, gacantu kaa boobin

Gacalnimada noolee intaan, gocasho kaa oodin

Guddoonkaaga reeree markay, kula gudboonaato

Gamaaddaada muunee haddaad, geeri huri weydo

Guntashana xusuusnow waxaad, godolba soo joogtey

Gurgurshaana haw raran nimaan, gudasho kuu doorin

Garashana ogsoonow inay, xaaja badan goyso

geeraarku waa sude hadduu, kuu ged-bixi-waayo

Adba goor is weydii intuu, gabaygu kaa dhaafo.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com

Hargeya, Somaliland