Garabkii Waqaf ee UCID oo urur Cusub ku dhaawaaqaya ka dib markii Maxkamadda Sare Xisbiga UCID u xukuntay Faysal Cali waraabe

Hargeysa (SLpost) – Maxakamada sare ee Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aankii dacwadda xisbiga UCID ee muddada badan la sugayay taas oo u dhaxaysay labadii garab ee Xisbiga Aadan Waqaf iyo Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha Maxakamada sare Yusuf Ismacil Cali oo go’aanka ka hor akhriyay garabyada dacwadu u dhaxaysay ayaa sheegay in la laalay dhammaan dacwadaha ay soo gudbiyeen labada garab, isla markaana Xisbiga UCID uu guddoomiye ka sii ahaanayo Faysal Cali Waraabe ilaa iyo inta Shirweynaha Xisbiga lagu qaban-qaabinayo muddo saddex bilood ah.

Madasha maxkamadda ee laga akhriyey go’aanka waxa sugnaa dhamaan labada garab, inkastoo Faysal Cali Waraabe aanu mar qudha kasoo xaadirin fadhiyadii kala duwanaa ee Maxakamada

Muddo kadib ku-dhawaaqistii go’aanka maxkamadda ayay garabka Aadan Mire Waqaf ku dhawaaqeen in aanay ku qanacsanayn go’aanka, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay furtaan urur siyaasadeed cusub.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net