Garabka Isbahaysiga Murrashixiinta Kulmiye Oo Qaadacay Shirka Golaha Dhexe

“Muuse u daba fadhiisan mayno xisbi caddaalad daro ah”Maxamed Biixi

Hargaysa(SLpost)-Musharaxiinta xisbiga Kulmiye dhexdiisa xilka madaxwaynenimo ugu tartamaya ayaa qaadacay shirka golaha dhexe ee xisbiga oo maalinta salaasada ah lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Hargaysa.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah magaalada Hargaysa ugu qabteen murrashixiinta kala ah Cabdicasiis Maxmed Samaale,Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe ayaa sheegay inaanay ka qayb galay shirkaasi maaddaama oo aan loo marin xeer hoosaadka xisbiga Kulmiye.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay inay doonayaan gole dhex ah oo ay ku tartamaan musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee hanka madaxwayne leh,waxaanu mar kale ku celiyay in madaxwaynuhu cid gaaar ah u afduubtay tartankaasi.

Waxaanu sheegay inaanay ka qayb galay shirka golaha dhexe ee 11 Ka bishan ka dhacay magaalada Hargaysa,waxaanu sheegay inaan la qurxin shirkaasi oo ay arkayaan inay taladu hoos martay.

Halkan ka daawo hadalka Musharax Cabdicasiis Samaale.