Ganacsatada Suuqa Gobanimo oo Munaasibad Bilan ku taageeray Murashaxnimada Maayarka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo taageero loogu muujiyey inuu mar labaad isa soo sharraxo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka isla markaana ah maayarka caasimadda, ayaa maanta ku qabsoontay magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo ay soo qaban-qaabiyeen Iskaashadata Tawakal oo ka kooban ganacsatada Khudaarta ee ka xoogsata Suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu muujiyey sida ay u taageersan yihiin in Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) uu mar labaad isa soo sharraxo una tartamo xilka Guddoomiyaja Golaha Deegaanka Hargeysa.

Waxa munaasibadda ka qayb-galay Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Iskaashatada Tawakal oo ka kooban rag iyo dumar iyo marti-sharaf kale.

Xagga Hoose kaga Bogo Faahfaahinta warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah

Qaar ka mid ah Haween-weynaha Caasimadda Hargeysa, ayaa sidan oo kale munaasibad ballaan oo ay ku taageerayaan murashaxnimada Maayar Soltelco ku qabtay magaalada Hargeysa toddobaadkan.

Somalilandpost.net

contact@somaliladpost.net