Ganacsatada Somaliland Oo Maalintii Sagaalaad Diidan Inay Dekedda Berbera Wax Kala Soo Degaan Iyo Farriinta Ay Madaxweyne Siilaanyo U Direen

Hargeysa(SLpost)-Ganacsatada Somaliland ee waaweyn ayaa maalintii sagaalaad marinaya gadood ay ku joojiyeen inay dekedda Berbera wax badeecad ah kala soo degaan, ka dib markii uu maamulka dekedu kordhiyay lacag ay ku tilmaameen mid aanay qaadi karin.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac, ayaa iyadoo ay hareerihiisa fadhiyaan ganacstada dalka ugu magaca weyni, wuxuu shirjaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inaanay ganacstadu qaadi karin lacagaha lagu kordhiyay adeega dekedda Berbera, “Xafiiska ayay ganacsatadu yimaadeen, cabashadaas ayay soo bandhigeen, maamulkoodii markaanu nahay in culayskaasi badanyahay, loona baahanyahay inay ganacsatada iyo dawladu iska arkaan oo ay dawladu dhagaysato cabashada ganacsatadeeda ayaanu isla qaadanay.” ayuu yidhi.

Wuxuu Maxamed Shukri intaas raaciyay “Waa maalintii 8aad intii arrintaasu taagnayd ee ay ganacsatu ku dhiiran weyday in badeecadii dekedda ka taalay ay la soo baxdo. Laba ganacsade oo tartan ka dhexeeyo oo suuqay haystaana ku filnayn isku badeecadna sita way adagtahay inay arrinta noocaas oo kale ah heshiis ka yeeshaan laakiin danbaa midaysay maanta, nin walibana wuxuu arkay inuu culayskaasi badeecadiisii ka dhigayo mid aan tartami karayn, markaas qasab ayay noqotay inay xal raadiyaan.”

Wuxuu Maxamed Shukri, sheegay inay ganacsatada isla qaateen in lacagta la kordhiyay aanay dan u ahayn qaranka iyo ganacsatadaba, waxaanu farriin u diray Madaxweynaha, isagoo yidhi “Waxaanu u aragnay culayskaas maareeyuhu badeecad saaray inaanu cidna dan u ahayn, oonu isaga dan u ahayn, anana dan noo ahayn. Waxaanu codsigayaga u jeedinaynaa madaxweynahayaga aanu dooranay oonu leenahay raggaagii ayaanu nahay, dadkaad ku tiirsantahay ayaanu nahay, waxaanu doonaynaa in lanoo dhego nuglaado oo lana dhagaysto.”

Ganacsade kale oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Korodhsiimada dekedda, horena waanu uga hadalnay imikana waanu ka hadlaynaa oonu leenahay tacriifad la qaadi karo maaha, culays badan ayay leedahay, qarankana dan uma aha.”

Mid kale ayaa isna sheegay inaanay aqbali karin tacriifada la kordhiyay, waxaanu farriin u diray Madaxweyne Siilaanyo.

Xigasho Geeska Afrika