Ganacsatada Saylac oo ka cabanaya cashuuraha laga qaado shiidaalka ay Yemen geeyaan iyo kuwa Berbera oo sadex jeer laab ka Jaban

Fossil-Fuels-Prices

 

Saylac (SLpost)- Ganacsatada Saylac ka dhoofisa Shiidaalka ayaa cabasho weyn ka muujiyey cashuurta laga qaado shiidaalka ay u dhoofiyaan Yemen, halka ay sheegeen in cashuurta donyaha Berbera ka qaada shiidaalku ay sadex jeer laab ka jaban tahay, waxaanay xukuumadda ka dalbadeen in wax laga qabto labada qiime ee is-dhaafsan oo ay sheegeen inay dhibaato weyn ku hayso.

Ganacsatada reer Saylac oo in ka badan toddobaad Hargeysa u jooga sidii ay ugala xaajoon lahaayeen wasaaradda Maaliyadda cashuurtaas xad-dhaafka ah ayaa soo bandhigay waraaqaha cashuur qabashada ee laga kala qaado ganacsatada Reer Berbera iyo kuwa Saylac, kuwaas oo ay u dhaxayso faraq weyn, tusaale ahaana foostada shiidaalka ah ee Berbera looga dhoofiyo Yemen waxa laga qaadaa(laba Doolar iyo sided cent (2.8$), halka Saylac laga qaado Lix Dolar iyo sagaal cent (6.9$).

Haddii si kale loo dhigo Ganacsatada Reer Saylac waxay soo bandhigeen in 50 mitre kuyuubik ee shiidaalka Berbera ka dhoofa laga qaado  toddoba boqol iyo afar Doolar (704$), halka doonyaha Saylac 25 ka mitre kuyuubik oo ah kala badh shiidaalka berbera laga qaado sided boqol iyo afar iyo lixdan dolar (864$), taasoo ka dhigaysa in ay is dheer yihiin labada qiime sadex laab.

Mid ka mid ah ganacsatada shiidaalka ka dhoofisa Saylac ayaa sheegay in Dekeda Berbera ay leedahay adeegyo u sahlaya ganacsatada inay shiidaalka u rartaan si degan oo aan dhibaato ka gaadhin, halka Dekeda Saylac ay ka haysato adeeg la’aan sababta inay kharash gareeyaan lacago kale oo ay ku raraan shiidaalka, taasoo sababta in uu shiidaalkoodu mararka qaarkood ku daato badda dhexdeeda ama marka ay foostooyinka ku shubayaan.

Dhinaca kale, Ganacsatada Reer Saylac waxay si weyn uga cawdeen lacago ay sheegeen in Doonyaha ay rartaan lagu soo rogay, kuwaas oo ay sheegeen in wadahadal uga socdo iyaga iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ay sheegeen in uu bixiyey amarka lacag sideetan dollar dhan oo doon kasta lagu soo rogay, halka doonyaha ka shiraacda Berbera ee shiidaalka qaada aan hal dollar laga qaadin.

Ganacsatada Reer Saylac oo ku sugnaa wasaaradda Maaliyadda horteeda ayaa soo bandhigay laba ka mid ah rasiidhada lacag qabashada ee muujinaya labada lacagayoow ee laga kala qaado ganacsatada Reer Berbera iyo kuwa Saylac waxaanay kala ahaayeen waraaqaha lacag qabashada eek ala ah GENERAL RECEIPT G1. C 019365, oo dekedda Saylac loogu jaray ninka magaciisa la yidhaahdo Cabdalla Salim Cawad isla markaana ku taariikhaysnaa 30/06/2015.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen GENERAL RECEIPT-ka G1. C 2301718 kaasoo loo jaray Ganacsadaha magaciisa la yidhaahdo Sallama Sh Ageini. Waxaana labada lacag qabasho ku kala qoran lacagaha ay ka cabanayaan ee aynu kor ku soo sheegnay eek ala ah $864-ka Doolar iyo $704-ta Doolar ee laga kala qaaday shiidaalada kala ah Konton-ka Mitre kuyuubik iyo shan iyo labaatanka mitre kuyuubik, lacagahaas oo sadex jeer isku libin laabmaya.

Si kasta ha ahaatee Ganacsatada Reer Saylac waxay wasaaradda Maaliyadda iyo xukuumadda ka codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo qiimayaasha labada Dekadood oo ay sheegeen inay leeyihiin xuquuq isku mid ah isla markaana labadooduba suuqa ay shiidaalka geynayaan uu isku mid yahay.

Waxaanay ku doodeen in aanay xukuumaddu Ganacsatada Gobolka Saaxil ka shaqaystana aan la kobcin, ganacsatada reer Saylac oo ah muwaadiniin la simana aan la dhabar jabin oo loo sameeyo fursado isku mid ah, iyagoo sheegay waliba ganacsatada Reer Saylac inay xukuumadda uga baahan yihiin in loo fidiyo adeeg hufan maadaama dakhli badan ay usoo xereeyaan wasaaradda Maaliyadda iyo qaranka Somaliland.