Ganacsade dab isku-qabadsiiyey bangi Hortii ka dib markii Deyn lagu yeeshay

Thessaloniki, (SLpost)- Nin ka mid ah ganacsatada dalka Giriiga ayaa dab isku hor qabadsiiyay xarun bangi oo ku taala Thessaloniki ee waqooyiga dalkaas, ka dib markii ganacsigiisi ku kacay dhaqaale burburka ka taagan dalkaas oo gabi ahaanba noloshii burburiyay.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa xarunta bangiga Piraeus Bank hortiisa la istaagay caagad batrool uga buuxo ka dibna waxa uu is qabadsiiyay kabriid, hasa yeeshee waxa u soo gurmaday booliska oo isticmaalay waxyabaaha dabka lagu hakiyo waxaana loola cararay cusbitaal ku yaala degaanka, taas oo la sheegay inuu ka gubtay laabta iyo qayb xaga sare ee jidhkiisa ka mid ah, laakiin aanay xaaladiisu naf ka eeg ahayn.

Sida boolisku sheegeen ninkan ayaa 12-bilood ka hor is gubay, waxaanu dhawaan uun ka soo kabtay dhaawacyadii dabkaasi u gaystay. Dhamaan sababaha uu ninkani waxaas u samaynayo ee uu naftiisa u goynayo ayaa ah inuu ka xumaaday dhaqaale burburka ku yimi ganacsigiisi iyo daymaha badan ee uu galay oo aanu awoodi karin inuu iska bixiyo.

Dalka Greek waxa ka dhacay dhaqaale burbur ku habsaday dakhligii qaranka waxaanay boolisku sheegeen in xaalada uu ninkan 55-jirka ahii ku talaabsaday ay tahay tii sadexaad ee ka dhacda magaalada Thessaloniki.

Somalilandpost.net

News Desk

yaasiin_29@rocketmail.com