Ganacsade, Adaa Abaarta Keenay! – W/Q: Faysal C Madar (Faysal Qumuj)

faysal-qumujIllaahay waxaan ka baryaynaa inuu ilaahay abaaraha naga soo jabiyo, waxa aynu wada ognahay samaynta taban ee abaaruhu inagu leeyihiin, iyo in inta badan aynaan qorshe ka lahayn amaba aynaan is waydiin maxaakeenay in ay abaartu inagusoo noqoto sanadkasta. Qofka muslinka ah waxa muhiima marka ay masiibo ku Dhacdo Inuu iswaydiiyo maxaad qaladay ama gaf nooceeyaad gashay, halka aynu is waydiino hadaynu nahay umada muslinka ah sidii aynu uga bixi lahayn iyo sidii aynu iskaga gargaari lahayn.

Hadaba imika Somaliland waxa ku habsatay Abaar wayn oo sadex jirsatay waxaanad arkaysaa dadkii oo TVyada ka qaylinaya oo leh abaaraha dadku wax haka gaystaan, waxa kale oo aad arkaysaa kuwii ilaahay danbigii ay galeen dartii ilahay roobka inooga joojiyay oo iyagii hadana ku faanayaan inay ka qaybqaadanayaan qaadhaankii abaaraha oo ay leeyihiin $200kun ayaan bixisay shirkad hebal ama ganacsade hebal . waxaan u sheegayaa ganacsata in ay dadkan tabaalaysan iyagu usoo jiideen dhibaatadan ku habsatay waayo hadii ay xoolahooda Sakadii ku Waajibtay ka Bixinlahaayeen in ilaahay roobka inoo shubi lahaa. Waayo waxaan sidaa u leeyahay nabigeenii suubanaa ayaa inoo sheegay oo yidhi :

Nabigeenu NNKHH Waxa xadiiska saxiixa ah ee uu soo saaray IBNU MAAJA, soona wariyey saxaabiga weyn ee CABDILAAHI IBNU CUMAR IBNU KHADAAB ( Ilaahay raali ha ka ahaadee)

ما من قوم يمنعوا زكاة أموالهم إلا منعوا القطر من السماء ، ولولا البهائم لم يمطروا

Ummad ma diido inay zakada bixiso ilaa hadday diidaan ilaahay wuxuu ka joojiya roobka,, haddii aanu ilaahay ugu naxariisaneen ugaadha iyo xoolaha dhibic cirka ugama timaadeen.

Mar hadii uu rasuulku inoo cadeeyay in sakada iyo roobku isku xidhan yahay. Ganacsada ma qaadhaan ayaynu  waydiinaa mise Sakada bixiya ayaynu ku nidhaa?.