Galkacyo: Magacyada Rag Ku Eedaysan Kufsi Iyo Dil Gabadh 12 Jir Ahayd Oo La Soo Bandhigay

Galkacyo (SLpost)- Maxkamad ku taalla Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa la soo taagay 10 Qof oo loo haysto Kufsi Wadareed iyo Dil Gabadh yar oo da’deedu ahayd 12 Jir.

 

Raggan oo dhawaan Magaalada Gaalkacayo si wadar ah ugu kufsaday isla-markaana u dilay Gabadha yar oo Magaceedu ahaa Caasha Ilyaas, ayaa Xeer ilaalinta Puntland oo dacwaynaysa Ragga Kufsiga geystay waxay soo bandhigtay Magacyada Ragga Kufsiga iyo Dilka Caasha ku eedaysan, kuwaasi oo qaar ka mid ahi Maxkamadda  joogeen.

Xubin ka mid ah xeer-ilaalinta Puntland oo halkaa ku soo bandhigay Magacyada Ragga eedaysanayaasha kuwaasi oo Magacyadoodu kala yihiin sidan:-

 

1- Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 24 sano jir ah oo ku dhashay magalada Muqdisho islamarkaana degnaa Gaalkacayo 

2- Cabdishakuur Maxamed Dige 46 sano jir ah kuna dhashay Muqdisho deganna Gaalkacayo

3- Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 32 sano jir ah kuna dhashay Hargeysa islamarkaana ku nool Gaalkacayo

4- Axmed Maxamed Nuur 30 sano jir ah 

5- Axmed Cabdiraxmaan Maxamed 24 sano jir ah

6- Farxaan Cabdi Siyaad 28 Sano jir ah 

7- Farxaan Maxamed Axmed 25 sano jir ah 

8- Cabdinasiib Cali Cumar 21 sano jir ah 

9- Maxamed Deeq Maxamed 20 sano jir ah 

10- Cabdilaahi Qorane Maxamuud 16 sano jir ah..”

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in Raggan lagu haysto Dambiyo kala ah “Dambiga koowaad ee Afduub, dambiga labaad ee Dil u kas ah, dambiga saddexaad waa Kufsi Wadareed, dambiga Afraad waa geysasho dhaawac, Dambiga shanaad waa Sumcad dilid ay u geysteen Dawladda Puntlad iyo Shacabkeeda, Dambiga lixaad waa Khalkhal-gelin amniga guud ee Puntland, gaar ahaan degmada Gaalkacayo, dambiga 7-aad ee inay Bulshada khatar ku yihiin..”ayuu yidhi.

Dacwadda ayaan weli Go’aan laga gaadhin isla-markaana socota.

 

HCTV