Gacantii Shalay Sacabka U Tumaysay Kulmiye, Ma Istaahisho In Ay Maantana Ilmada Iska Biiso

Cabdifataax Sh. Nuux

Goblan hooyo mudatiyo

Marwo uu ninkeedii

Madficii la tagay iyo

Agoon muusanaaboo

Calankaa miciinsada

Mar labaad luggooyiyo

Uma quudho meel madhan

Abwaan Faysal Canbalash

Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa iyo Wasaarada Daakhiliga ayaa Hawlgal Balaadhan oo ay u adeegsadeen Cagafyo iyo Ciidan  ayaa ku waabariistay dhawr cisho ka hor  Meheradaha Suuqa Waaaheen & goobaha kale ee ganacsi ee wadooyinka u dhaw, halkaas oo quutal daruuriga ay kala soo baxaan dad Masaakiin ahi. Hadaba Hawlgalkaas dawladda Hoose iyo Wasaarada Daakhiligu ay ku galalafeen Meheradaha Ganacsatadaasi danyarta ah ayaa waxa ku dhintay Hal qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kalena kadib markii Ciidamada Bileysku ay adeegsadeen Tacshiirad iyo awood militari. Hawlgalkan ayaa socday todobaadkan ugu danbeeyay kaas oo ay  iska kaashanayeen sidii ay u fulin lahaayeen Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa iyo Dawladda Dhexe, Hawlgalkan ayaamahan  lagu Galalafay Suuqa weyn ee Waaheen & ganacsatadii yar yaraydba ayaa sida Ilo Wareedo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan inay  ku taliyeen Gudida Bilicda Caasimadda oo uu dhawaan Magacaabay Madaxwayne Siilaanyo.

Hawl-galkan ayaamahan  ay sida wada jirka ah u hoggaaminayeen dawlada hoose iyo dawlada dhexe ayaa waxa ka qeyb qaatay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka birmadka ee Bileyska, kuwaas oo si arxandaran u dumiyey sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada D/Hoose illaa gobolka , isla markaana gacanta Mariyey dhammaan wixii meherado ahaa ee halkaas ku yaalay. Sidoo kale Hawl-galkaas ayaa waxa ka horyimid dhalinyaro ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortooda, kuwaas oo ay isku dhaceen Ciidammaddii hawlgalka fulinayey, taas oo keentay in rasaasta bilayska uu ku naf waayey Marxuum dhalinyar ahi, isla markaana waxa hawlgalkaas ku dhaawacmey Laba qof kale, kuwaas oo dhaawacooda lagu dawaynayo Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

sidoo kale isna Muwaadin reer Somaliland ah oo Meherad yar oo Dukaan ah ku haysta Badhtamaha Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan barxada ka horaysa Xawaalada Lacagaha ee Qaran ayaa shalay Duhurkii dab sudhay Dukaankiisa oo uu isna ku dhex jiray,  ka dib markii sida uu sheegay uu Khaati Bilaahi ka istaagay Ciidanka Bilayska ee Dawlada Hoose oo wakhti walba kormeera Jidadkii ay hore u baneeyeen oo ay ka ilaaliyaan in cidi dib ugu soo noqoto.  Hadaba  dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaaa xoog u cambaareeyay talaabada ay Dawlada dhexe iyo D/Hoose ku baro kiciyeen Ganacsatadii yaryarayd ee meheraduhu uga furnaayeen Faras magaalaha Caasimada Hargeysa, waxaanay sheegeen in talaabadaasi ay dhalin karto amaan darro iyo kacdoon dadweyne, waxaanay  tilmaameen in dad gaadhaya tobonaan kun  oo qof oo quutal daruurigooda la soo bixi jiray maanta laga dhigay qaxooti barakacay oo bilaa camal ah.

Isku soo wada duuboo iyada oo wadanka uu ka taagnaa camal la’aan xoogan taasi oo dhaxalsiisay dhalinyaro badan inay wadanka  ka tahriibaan ayaa ay arintanina hada soo baxday taas oo la saadaalinayo inuu is libin laabi dooo tahriibku, waxaan hadal ka taagnayn in xukuumada la nacsiinayo shacabkii soo doortay ee hadh iyo habeen u heelanaa inay is badal dhaliyaan taasi oo abaalkoodii laga dhigay in bilaa camal laga dhigo waliba loogu daro in  miisaskii iyo dhismayaashii yaryaraa ee lacagtu ka gashay  la burburiyo oo dooxa lagu soo daadiyo iyadoo alaabtoodiina ku jirto ,waa dhaqaale dil, halkaana waxa ka cad in cadaawad aan shacbiga ku jirini ay dawlaha hoose iyo ta dhexeba ku jirto, miyay ilawday xukuumadu in  ay shacbigu doorteen, miyay dawlada hoose haday wax qabanayso ay wax soo qabtaan sideedii sanadood ee ay  joogeen oo ay musuq maasuq iyo tacadiyo la soo dhex joogeen shacabkani, ma markay dantii guud dhameeyeen ayay maantana doonayaan inay baloodho ka sameeyaan meelahaa yar yare e shacabku daganaa ,sidani bilic hagaajin ka badane, bilicda hadi la hagaajinayo maxaa wax looga qaban waayay qashinka iyo xashiishka buux dhaafiyay goob kasta iyo faras magaalada badhtamaha suuqa , miyaanay ahayn iska indho tirid iyo is dhagoolayn, somalida ayaa ku maahmaaha Oodo Dhacmeed Siday U Kala Sareeyan Ayaa Loo Kala Guraa, gudida bilicda iyo dawlada hoose/ dhexeba waxay ahayd inay xil iska saaraan xashiishka ka dib ay bilacda u yimaadaan mise waa I arkaay I maqlaay iyo doorashadii  ayaa soo dhaw oo hadaanu wax qabanaynaa, waxaan leeyahay cidi idinka yeeli mayso taasi , wixii aad sideed sanadood ku qaban waydeena 3 bilood ku qaban maysaan, xukuumada uu hogaanka ka yahay madaxwayne siilaanyana waxaan si sharaf leh uga codsanayaa inuu arintan fara galin buuxda ku soo sameeyo, wax shakiyi kama taagna in aan xaafado dhan oo dabka u shidnaa ay maanta qatan yihiin, sidoo kale waxan shaki ka taagnayn  in Ku dhawaad 40% ganacsigii suuqa ay dawladu kabaha  la dul martay. Taas micneheedu waxay tahay Aggregate Demand wadanku wuxuu hoos u dhici doonaa inkabadan 40%( according to multiplier effects). Taasina ay sababi karto inuu meesha ka baxo awoodii wax iibsi (Purchasing Power -kii) shacabku taasina ay sababto in dhaqaalaha wadanku ( Growth Domestic Product)  guud ahaan uu hoos u dhaco sidaynu maantaba arkayno. Hadaba dad nolol iyo survival ku  jira  ma aha in la yidhaa wadooyinka yurub baa sidaasa. Inta badana waa dhibaato ay abuuraan madaxda Africa kuwa Europe wax ka soo dhigtay ama ka yimidba ay hogaanka u hayaan, isku soo wada duuboo ayaan darada haysata madaxdeenii ayaa waxaa weeyi wax baadhis la’aan ( Lack of Research )  iyo tabaabushe la’aan ,waxaanan u soo jeedin lahaa dawlada hoose horay u fashilantay oo shaki kama taagna ee gudidan bilicda magaalada isku sheegaysa ee sida dhibicda roobka  circa sare ka soo dhacday xili aan loo baahnayn waxaan leeyahay fadlan iska casila xilkan wakhtigeedii lama joogee, madaxwaynaha & xisbiga kulmiyana waxaan leeyahay Gacantii Shalay Sacabka U Tumaysay Kulmiye Ma Istaahisho In Ay Maantana Ilmada Iska Biiso.

Qalinkii : C/fataah Sh.Nuux jaamac ( Suldanka)

Email: Samriye99@hotmail.com