Gabiley: Urur-Siyaasadeedka WADDANI oo Deeq Agabka Ciyaaraha ah ku wareejiyay Guddida Ciyaaraha

Gabiley (SLpost)- Urur-Siyaasadeedka WADDANI ayaa deeq ka kooban agabka Ciyaarahaya ku wareejiyay Guddida Ciyaaraha ee Gabiley.

Munaasibada Deeqda Lagula Kala Wareegayey oo Ka Dhacaday Xarunta Urur Siyaasadeedka Wadani ee Gobolka Gabiley ayaa waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Gabiley Cali Aadan Bayle, Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani ee Gabiley Axmed CabdiLaahi Xuseen (Al Imam), Maamulaha Dugsiga Sare Ee Timacade Maxamed Maxamuud Aw Saleebaan (Aws), Xoghayaha Urur Siyaasadeedka Wadani ee  Gabiley Xasan Axmed Aw Maxamed (Dhagjar), Iyo qaar ka mida Musharixiinta Golaha Deegaanka Gabiley uga tartami doonta Urursiyaasadeedka Wadani iyo Dhalinyaro tiro badan Oo kamida Ciyaariyahanada Gobolka.

Ugu Horayn Waxaa Munaasibadaas  hadal kooban ka Jeediyey Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI Axmed Cabdilaahi Xuseen, waxaanu faah-faahi Ka bixiyay u Jeedada Deeqdani taasoo uu Ku Sheegay mid uu Urur Siyaasadeedka WADDANI u Soo gartay Dhalinyarada Ciyaaraha ee Gabiley oo Intabadan aan helin Qalab Ciyaareed oo Ku Filan, Waxaanu xusay In ka Urur ahaan ay kala qayb qadan doonaan Ciyaaraha Islamarkaana ay dareensiin doonaan inay ag Joogaan, madaama ay Ciyaaruhu Yihiin meel u wanaagsan xaga Jidhka Iyo Caafimaadka Qofka.

Waxa kale Oo Munaasibadani hadal Ka Soo Jeediyay Maamulaha Dugsiga Sare Ee Gabiley Maxamed Maxamud Aw Saleebaan (Aws) Waxaanu Mahad naq  u soo Jeediyay Urur Siyaasadeedka  WADDANI, Waxaanu Tilmaamay madaama Uu Urusiyaasadeedka WADDANI  ka farxiyay Dhalinyarada Ciyaaraha Gabiley uu isaguna bari ma Maalin ay ka farxin doonaan, waxaanu Illahay uga baryay in uu noqdo kii ku guulaysta Dooroshooyinka soo socda.

Waxa kale oo Isaguna Munaasibadaas  Hadal Ka Jeediyay mid ka mid ah Musharixiinta Golaha Deegaanka Gabiley uga Tar-Tamidoona Urur Siyaasadeedka Wadani Sacad Maxamud Gadhley Iyo Xasan Axmed Aw Maxamed Xasan (Dhagjar) Waxaanay Sheegeen In Uruka Wadani u heelan yahay Sidii Dhalinyaradu uga qayb-qaadan lahayd xaga Siyaasada, islamarkaana ugu dhiiri gelin lahaa xaga Waxbarashada Iyo Ciyaaraha si ay uga bad badaan balwadaha xun-xun, taas oo ay haboon tahay inay noqdaan kuwo Dadkooda, Diintooda iyo Waliba Waalidkoodaba anfaca.

Gabagabadii waxa isaguna Munaasibadaasi soo afmeeray Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Gabiley Cali Aadan Bayle Waxaanu Sharaxaad Ka Bixiyay Xidhiidhka ka dhexeeya Waxbarashada iyo Ciyaaraha Waxaanu xusay in Ciyaaruhu yihiin mida ardaydu kaga badbaadayso balwadaha ay ka mid yihiin Qaadka,Sigaarka iyo waliba Caajisnimada.

Waxaana ugu dambayntii halkaas deeqda agabka Kubada cagta lagu guddoonsiiyay Guddida Ciyaaraha ee Gabiley.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@Somalilandpost.net