Gabiley: Hanti-dhowrka oo Xabsiga u taxaabay masuuliyiin Dowladda Hoose ka tirsan

 

Gabiley (SLpost)- Maxkamadda Degmada Gabiley, ayaa maanta xukun rumaan ah ku ridday masuuliyiin ka tirsan maamulka Dowladda Hoose ee Gabiley oo Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku falalka musuq-maasuq ku eedeeyey.

Masuuliyiinta maanta la horgeeyey Maxkamadda Gabiley, ayaa kala ah Agaasimaha Waaxda Maaliyadda Dowladda Hoose, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Mushahar bixiyaha iyo Shidaal-biyaha Dowladda Hoose.

Saraakiil ka tirsan Hanti-dhowrka Qaranka oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey baadhitaanno ka waday Waaxaha kala duwan ee Dowladda Hoose ee Gabiley, ayaa saaka dalbaday xadhigga masuuliyiinta dowladda Hoose oo isla markiiba la horgeeyey Maxkamadda degmada.

Saraakiisha Hantidhowr-ka oo saxaafaddu wax ka weydiisay natiijada uga soo baxday baadhitaankooda iyo noocyada musuq-maasuq ee masuuliyiinta la eedeeyey, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inay wax faahfaahin ka bixiyaan iyagoo sheegay inay wali ku gudo-jiraan baadhitaanka.

Somalilandpost.net
Gabiley Newsdesk
somalilandpost@live.com