Gabiley: Cudurka Kuduudiyaha oo faro-baas ku haya iyo Nooca Caabuqa Keena oo la ogaaday (Warbixin)

 

Gabiley (SLpost)- Xannuunka loogu magac-daray Kuduudiyaha oo si baahsan uga jira gobollada Somaliland, ayaa xilligan u muuqda inuu saamayn ba’an ku yeeshay kuna faafay guud ahaan dalka, waxaana meelaha uu xannuunkani xilligan ka jiro ka midah magaalada Gabiley.

Xannuunkan oo badhtamaha sannadkii hore lagu arkay gobollada Bariga, gaar ahaan magaalada Burco ka hor intii aanu dalka soo gaadhin caabuqa Covid-19 ee ku faafay adduunka, ayaa ah xannuun dalka ku cusub oo aan la aqoonsan nooca uu yahay.

Haseyeeshee, warbixin uu telefishanka HCTV ka sameeyey magaalada Gabiley oo xumadda xannuunkani si xooggan uga jirto, ayaa lagu soo bandhigay Natiijada baadhitaanno lagu sameeyey xannuunka iyo heerka uu gaadhsiisan yahay Xannuunka Kuduudiye oo marka uu qofka ku dhaco ku keena xummad xad-dhaaf ah oo wada-gaadhsiisan dhammaan xubnaha Jidhka.

Dr Mustafe Xasan Cumar oo ka mid ah bahda Caafimaadka ee gobolka Gabiley, ayaa soo bandhigay natiijada baadhitaan uu ugu kuur-galay nooca uu xannuunkani yahay iyo sababaha uu ku yimaaddo.

Muuqaalka Hoose ka daawo Dr Mustafe oo ka sheekaynaya cudurka Kuduudiyaha iyo noocyada xannuunno kale oo ay is-metalaan.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net