Gabadh yar oo xaalad caafimaad Xumo ka soo gaadhay talaalkii ugu dambeeyey ee dalka ka qabsoomay oo Cusbitaalka Berbera la soo gaadhsiiyay

Berbera, (SLpost)– Cisbataalka Guud ee magaalada Berbera waxa la soo gaadhsiiyay gabadhan yar oo dhawaac xooggan kala kulantay talaal lagaga muday gacanta midig  oo sababay in dhamaan gacanteedu bararto.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo Asma Xussen Axmed oo da’deedu tahay 4-jir, waxa laga keenay tuulada Hool Qaboobe oo katirsan degmada Sheikh, waxaanu wakhtiga uu gabdhan yar dhaawacu soo gaadhay aheyd 23/08/2011 waxaanay aabaha iyo hooyada gabdhan yar dhalay ay sheegen in xanuunkani gabdhan yar ku bilaamay markii ay talaaleen tiim kamida tiimamkii talaalka ka fulinaayay oo goobta ay dagan yihiin ugu tageen iyaga oo intaa raaciyay in ilaa maalintii latalaalay ilaa imika uu xanuunkan bararka ah ee Gacantu gabadhan yar ku soo kordhaayay iyaga oo geeyay cisbataalada dawliga ah iyo kuwa ganacsigaba Ee gobolada Hargeysa iyo Burcoba waxna laga qaban waayay dhakhaatiirtuna ay kula taliyeen in aan Dhakhtar debedeed mooyaane aan dhakhaatiirta dalku wax ka qaban Karin hadii aan wali dagdag loo Geyna laga yaabo in uu xanuunka gabadhan yari gaadho meel aan wax laga qaban Karin oo nafteeda Halis galiya waxaanu talaalka gabdhan yar waxyeeleeyay ahaa talaalkii ugu danbeeyay ee ay hayada caafimaadka aduunku soo bixisay ee ay ka fulinaysay dhamaan gobolada Somaliland hayada qaramada Midoobay hoostagta ee Unicef waxaana talaalkaasi ahaa kii Caruurta Lagaga talaalayay lixda cudur ee dilaaga ah(Six killers deseas)

Aabaha iyo hooyada gabdhan yar dhalay oo aanu weydiinay in ay garanayaan cidii talaalkan dhibaatada keenay gabdhooda ay garanayaan ayaa noo sheegay in ay garanayaan imikana uu Xidhan yahay magiciisana ay ku sheegen (Dacar Cabdilaahi) waxa kaloo ay sheegeen in uu  ka mida yahay hawlawadeenada Caafimaadka caruurta ee  degmada Mandheera gaar ahaan tuulada Abdaal balse deegaanka ay dagan yihiin ee Hool qaboobe ay ku soo Qoreen masuuliyiinta talaalka ee gobolka Saaxil sidaasna uu kuyimi deegaanka maadama oo aanay Isu dhaweyn deegaankaa uu wax ka talaalayay iyo goobta uu ka shaqeeyo oo ah Abdaal oo kutaala wadada Isku xidha Hargeysa iyo Berbera. Qoyska ay gabadhan yari ka soo jeeddo oo ah qoys danyara oo aan haysan Dhaqaale ay gabadhooda ku geeyaan dhakhtar debedeed ayaa waxay dhaliil xoogan usoo jeediyeen Cidkasta oo fulinta talaalkan ka qeyb qaadatay waxaana ugu horeyn dhibaatada caafimaad ee ilamahan Yar soo gaadhay ka hadlay Axmed Ibraahin(Ina wadana qabad)oo ay walaashii dhashay gabadhan yar Waxaana hadaladiisii kamida ahaa”Gabdhan yar waxa dhashay walaashay Cudbi Faarax Cawaale waxaana dhaawacan aad arkaysaan ugeystay niman dhakhaatiir sheeganaya oo aan wax ay garanayaan Jirin oo irbad iyo siliij uun loo soo dhiibay lana yidhi kusoo laaya caruuraha dadku dhaleen dhashii baa Kubadataye waayo waxan Sidaas uleeyay  hadii aanay sidaas aheyn oo talaalkani yahay mid caafimaad Qaba waxa  caruurta talaali lahaa dad hawlaha caafimaadka uleh khibrad iyo aqoon waxaan aaminsanay Anigu in uu dhibaatadan uu soo gaadhsiiyay gabadhan yar ee aan abtiga u ahay iskadaa dhakhtar oo qof Aan waligiiba arag meel wax lagu talaalayo arag waxaanu cabaarynaynaa haayada Caafimaadka Aduunka Ee WHO iyo Unicef oo talaalka fulisay waxaananu u aragnaa oo aanu xaqiiqsanay in tuhunkii ay dadku ka Aaminsanaayeen talaalkan ee ahaa in lagu yareynayo caruurta Afrika gaar ahaan Somaliland ee ay Dabada ka wadeen dawladaha gaalada ah ee reer galbeedku waxa kaloo iyaguna qeyb ka ah Masuuliyiinta Wasaarada caafimaadka ee aan dabagalka ku sameyn dadka ay shaqooyinka caafimaad udiranayaan ee Sida iga geeda ah liisaska looga buuxinayo imika waad aragtaan waxan doraad ka keenay Hargeysa Waxba waa lagaga qaban waayay waxaanan ugu danbeeyay oo aan imika ka keenay Dr Saleeban Cabdi Guuleed waxaanu iisheegay in aanay dhakhaatiirta Somaliland waxba ka qaban Karin walibana ay Haboontay in cisbataal debedeed si dagdaga loo geeyo,

Inanta Yar ee Tallaalku dhibaatada u keenay

Waxa kaloo isaguna walaac xoogan ka muujiyay xaalada gabdhan yar aabaha dhalay Xussen Axmed isaga Oo ku sugnaa cisbataalka Berbera ayaa warfidiyeenada usheegay in uu meelksta oo uu dhakhtar ku tuhmayay geeyay gabdhiisan yar balse uu Waayay goob wax lagaga qabto caafimaad darada la soo daristay Asma Xussen Axmed oo ah inan uu dhalay oo dadeedu tahay(4) afar sanadood,

Sidoo kale waxa iyaguna manta ilaa shalay xaalada gabdhan yar ku mashquulsanaa dhakhaatiirta cisbataalka guud ee berbera iyaga oo Shir ay saaka galeen ka soo saaray in ay bal gacanta gabdhayar qaliin ku sameeyaan hadii dheecan ku jiro si ay uga soo daayaan balse Qaliinkaa waa ay ka baqeen xaalada gabdhayar oo culus awgeed sida ay sheegayaan wararka aanu ka helay hawlwadeenada Cisbataalka Guud ee berbera waxase aan noo suuragalin xidhiidh  aanu la sameynay dhakhaatiirta cisbataalka guud ee berbera waxaanay dhibaatada Caafimaad ee soo gaadhay gabdhan yari cadeynaysaa fikrad ay bulshooyinka reer Somaliland ka qabeen talaalkan isdaba socda ee aan kala go,a laheyn oo aheyd in lagu dabar goynayo dhalmada badan ee ay caanku ku yihiin dadka ku dhaqan qaarada Afrika gaar ahaan Somaliya waxa kaloo iyaduna cadaan in aanay dadka talaalada fuliyaa ee aanay wada aheyn hawlwadeeno caafimaad oo shaqadan Caafimaadinta u soo tababaran.

Somalilandpost.net

Yaasiin_29@rocketmail.com