GABBAL-DHACAY: GABAY BAROOR-DIIQ U AH GAARRIYE, W/T Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Siciid Maxamuud Gahayr

Gabaygan magaciisu yahay Gabbal-dhacay waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq), wuxuu soo baxay 05/10/2012-ka. Waa gabay baroor-diiq u ah Gabyaagii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Abwaankii Weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Alle ha u naxariisto’e. Waa tix xusaysa kaalintii Marxuum Gaarriye iyo mahadhada uu ifka kaga tegay, sidoo kalena Alle uga baryaysa inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo.

 Waa kuwan meerisyadii gabayga Gabbal-dhacay:

Warka xumi ma gaabshoo dabayl, gaaru leeyahaye

Gabbood kuma negaado habeen, guula sugi waaye

Gudguduudka waaguu guryaha, noogu soo galaye

Gelin buu ku gaadhoo dadkii, wada galiilyawye

Geeridu xaq weeyee mid baa, lala gariiraaye

Gocashiyo xanuun bay midkeed, gaar u leedahaye

Naxdin iyo gujaa laga dhaxlaa, tii halyeey go’oe

Fiinta gii leh, tiiraanyo gooh, galawga wiiwii leh

Dhiilladu si gooniya hadday, godoshay laabtayda

Go’ haddaan hagoogtiyo haddaan, keligay goobyaalay

Qalbigay gobtahanyoonayiyo, murugaday gaadhay

Madaxay gadaadiyo ilmaday, gabaxli waa daw’e

Jidhku ima gigleeyeen ishuna, may galgalateene

Naftay garab la’aantay ogtahay, diidday gama’iiye

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Gidaarkiyo albaabkays ballaqay, waa mid geydh badane

Geestuu ku beegnaa qayood bayga, soo galaye

Halkuu ku gudbanaa baa i go’an,. Geesigaa tebaye

Lammuun garasho dheer buu ahaa, gaadh-hayii qarane

Guurti iyo wax-garad buu ahaa, geed-ka-taliyiiye

Gudbiyaha tacliintuu ahaa, geeddi-geliyiiye

Durdur aan go’ayn buu ahaa, ceel gannuun adage

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Garab jabay aqoontuu ku yahay, gudashadeediiye

Geed qarqoormay murtidii ku yahay, gogol-dhiggeediiye

Gudhayuu runtii iyo ku yahay, garashadeediiye

Goblin buu afkii iyo ku yahay, dhaqanki gaadhnaaye

Gabayoox bannaan buu ku yahay, guurtidoo kale’e

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Talo-gooste, hoggaankii gurracan, wuu gujayn jiraye

Goobaha naf-waaguu ahaa, bir iyo gaashaane

Ma-gabbade halyeeyuu ahaa, guusha raadsada’e

Gadoodkii Siyaad iyo ma biqin, weerar-geliddiiye

Gulufkii sokeeyaha markuu, gobolku qiiqaayay

Haye-Bari gariirkii ka dhacay, wuu dhex gololnaaye

Gubashadii Hargeysiyo Berbera, gaabis muu noqone

Go’uu xooray, murtibuu godlay, tix iyo geeraare

Gabaygiyo dhawaaquu hinqaday, galawgu dhiillooye

Gardarruu necbaa iyo gefkiyo, gaada beenlaha’e

Gedaafada xigaalkuu ahaa, gaadhka caabbiya’e

Garta eexo, goobna laguma xaman, Gaarriyoo falaye

Gadh-hayeenka nabadduu ahaa, geed hadh loo dayo’e

Gees kastoo la eegaba ifkaa, guulo loo qiraye

Gabbal-dhacay, dayax baa god galay, gacal u iishaaye

Abwaan gaax leh, macallin gaamuriyo, Gaarriyaa tegaye

Allahayoow godka u nuur runtuu, geesi ku ahaaye

Ma gedmanayo liibaan qofkaad, ugu gargaartaaye

Godka iyo su’aalaha dhexyaal, iilka gudihiisa

Garansii jawaabaha Rabbow, yaanu gees-marine

Allahayow jannada gee bulshada, guday xilkeediiye

Aamiin, Aamiin, Aamiin

Dhammaad

Maxamed Aw Cali Cartan (Hal-deeq)

Haldeeq1@gmail.com

Tell: 4194095 TELESOM, 9133446 SOMTEL

Tebinta iyo Tifatirka

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com