Gabay ( gurmad)

Hoheey huqda iyo ciilka hayaayda yeedhaysa
Markaan halacsaday abaaraha inagu habsaday
Hantaqada gadhay hooyo wil halyeyiyo korinaysay
Haldoorki wadankeniyo ubaxi hanadadeena
Haradiyo gaajeey ugu dhinten hareraheene
Omasiyo hamuunbay la ildaranyihin hatanee
Haadkiiba ka dhergay hilbahodiyo wadhan hortene
Hamrashadunaa waa dhib iyo hoog badanee
Balanka illah hadaan lo gurman wa hoogiyo ba’e
Hadad ladan tihin manta bariba waydun hawanaysane
Hal doolaroo u hurtaa naf haqabtiraysee
Ugu hili walalka hada ducaduna wa lama hurane
Hadaan la is taakulayno hor illah la isu cawin
Horumar lama gaadhoo lama hawaysto guulee
Raboow hanunka adiga hayo hagaaya adunke
Habaaskiyo boodhkan nagu habsade na idleeyey
Daruur hoortiyo noogu badal hadhac qaboobo
Laga dhurto hamaho naqiyo doguna harerayalan
raboow hurdo barwaaqo leh aanu ladno helnee
Hogol no da’adiyo nooshub midan hagardamo lahayn..

Maxamed Saleebaan Cumar (M.Axbaabi)