Gabay: DABEEB

Gabay daawadii male hadaan, lagu dawoobayn

Haddaan lagu daboolayn, goobaha dilaac jiro

Anna daayay waayadan, arartiisa deeqoow

Doog aan  la toosiyo, waxa beeray darartiisa

Shirka doorkan loo kacaan, dulucdiisa sheegiye

Duulaan shiisheeyuhu wadaan arkaa, daacadiisa mooyi

Ma aqaan dantoodiyo waxay, duleeddada la meeraan

Doqonbay se I moodayaan, soo dagnaan jiraye

Duqayduba shirkay baaqdaa loo dooyaysan jiraye

Waa inaan daraadood muujiyaa, doorkayga

Sidii aan dan moodiyo runtaan, diirka ka caddayne

Qasab laygu dudduuciyo ma gayo, darraw la ii qoolo

Duntu ruuxu leeyahay abid ma duugowdo

Taag yaraha dadeen kama didiyo qofaan I gaadhayne

Dahaadhna layma gelin karo mana dalaaboodo

Golahaan dooddayda ka marin iyo hadal dugoobayn

Shalay iyo doraad waxaan diidayaa jiraye

Daahiyo sitaacaan u xidhay, daawadaan odhane

Danta loo midoobaan ku odhan ,dayac way ka dheer tahaye

Dhiiggii la daadshaan ku odhan, kama maydhmin duunkayga

Dekanada ninkii iga galaa danqasho  igu reebye

Walaalnimada doorbideen, darmo nabad ku soo sooray

Waatay ku daadsheen dhiigga,  umulna dooxeene

Maantana daraadiin dabin ku gali maayo.

Dhismahaan duugoobayn qarankaan nabada ugu daahay

Kolna daadin maayo doobigaan hagar la’aan culaye

Nafta iyo ruuxdaan dul dhigi dheeha dararteeda

Mugdigii ku duugoobaan rabaa maanta inaad duwataane

Dulmi ruuxna kama gelin iyo xumo dahsoone

Asay ruux dumara loo gaashaa mudo looga dejiyaaye

Dheehana dabarkii lagu xidhay duugoow oo ka idlaaye

Darib iyo hadalkaygu ka cad waqal daruureede

Doorkana ma gayo dib u laabo oo noqo’e

Si kaloo ka door roon ku dara taladaad gorfaysaan

Arartiyo damaqaa ila fuulay doog dheer.

 

Afartaa daleeyaye sidi Diig ma eedaamay

Duufaan gufaacada wadiyo sida mayay daroorkiisa

Gantaalaha dakaankiyo ma riday danabadii guusha

Dabeeb toosan iyo hadal diiran ma wadaajay

Ducaduna ma baalmarin aan dakhal ku muuneeyo

Duqaydiyo abwaankiyo, aamin dhe shacabkoow

Deeqloow raxmaan ha ii daggin cadowga guudkiiba

Saakaba durbaan kaan u tumay damaashaadka farxayga

Allow ficil dugsooniyo ka hoy diriro guuleed

Allow dawri maaye raxmada noo daadi

Waxa maanku diidyo ka hay darxumo baahda

Degelkana dhamaantii u fidi gacan daryeeleed

Nafahooda kuwe deebshayna  daaltir nooga yeel.

 

Nimcadoo dulundulcaysiyo samaan ku darmaansaday

Damaashaadka farax ilaa deriska ii gaadha

Deeqlow raxmaan degel ii gaadhna

Daafaha ku joogaba  daacuun ka dheere.

 

Afartaasna waa duco iyo afmeer dooda ereygayga.

 

Waxa tirisay Yasmin Maxamed Kaahin.

Email: qalinbila01@gmail.com

Hargeisa, Somaliland.