Gabadh Uu Indhaha-tiray JIN Ka Soo Raacay Hindiya Oo Araggu U Soo Noqday Markii La Qur’aan Saaray

(SL.Post) Gabadh dhallinyaro ah oo Dalka Hindiya Hooyadeed u geysay Caafimaad, ayaa la kulantay Xaalad Caafimaad oo khatar ah, ka dib markii labada indhoodba ay waxba ka arki wayday.

Warka-Jinka

Gabadhan oo Magaalada Haydrebad ee Dalka Hindiya ka soo laabatay iyadoon labada Indhood aan waxba ka arkayn, ayaa markii ay soo gaadhay Puntland, waxa loo geeyay  Sheekh daweeya Dadka Jinku galo, waxaanu ku akhriyey Qur’aan.

Akhrinta Qur’aanka Kariimka ah ka dib, waxa Gabadhii oo Da’deeda tahay Labaataneeyo ka dhex hadlay waxa uu Sheekhu ku sheegay Jin Kiristaan ah, kaasi oo uu sheegay inuu ka soo raacay Dalka Hindiya.

Sheekha oo Akhriyaya Qur’aan, ayaa Warbaahinta u soo bandhigay Gabadha oo aan Indhaha waxba ka arkayn, isla-markaana ay ka dhex hadlayaan waxa uu Sheekhu ku sheegay Jinka.

Sheekhan oo Deegaannada Puntland caan ka ah, ayaa jinka Gabadha ka dhex hadlay waydiiyey halkay ka soo raaceen Gabadha, siday ugu suurto-gashay inay Aragga ka waxyeeleeyaan iyo Su’aalo kale oo badan.

Waxa Sheekhu uu Jinka ku sheegay oo su’aalaha la waydiiyey ka jawaabayey, ayaa sheegay inay ka soo raaceen Dalka Hindiya isla-markaana ay yihiin 25 Jin, Gabadhuna ay aragga wayday markii ay neerfaha Madaxa ee indhaha ka shaqeysiiya ay dhaawacyo gaadhsiiyeen.

Laakiin, markaasi ka dib Sheekha oo aad u qaylinaya ayaa labadiisa Suul ku dul-qabtay Labada Indhood ee Gabadha, waxaanu ku akhriyey Qur’aan iyo Duco badan, waxaana markaasi ka dib Gabadhu sheegtay inay wax arki karto oo ay fiican tahay.

Haweenay Eddo u ah Gabadha uu Jinku araggeeda waxyeeleeyay, oo sheekhu waydiiyey Muddada ay Gabadhu indhaha la’ayd, ayaa tidhi, “25 Maalmood ayayna waxba arkaynin.”

Nasiib wanaag, Xaalad caafimaad ee Gabadhan ayaa wanaagsanaatay isla-markaana sideedii caadiga ahayd ku soo noqotay.

Somalilandpost.net