Gabadh Soomaaliyeed Oo Ku Guulaystay Abaal-marin Caalami Ah Oo La Xidhiidha Xuquuqda Haweenka

London, (SLpost)- Ifraax Axmed oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa xuquuqda xuquuqda dumarka ayaa xalay abaal-marin caalami ah lagu guddoonsiiyay magaalada London.Ifrah Ahmed

Abaal-marintan oo lagu magacaabo shaqsiga xuquuqda aadamaha ee dumarka oo sannadkiiba mar ay bixiso hay’adda Women4africa, taasoo ay Ifraax ku mutaysatay kaalintii ay kasoo qaadatay difaaca xuquuqda dumarka soomaalida, gaar ahaan gudniinka fircooniga ah.

Ifraax Axmed ayaa ka mid ahayd shaqsiyaadka qurbe-jooga ah ee kusoo laabtay Soomaaliya, si ay wax uga qabato horumarka iyo xuquuqdaooda.

Somalilandpos.net