Gaalkacayo: Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada maamul-goboleedka Puntland oo lagu dilay iyo xiisadda colaadda oo cirka isku sareertay

Muqdisho (SLpost) – Taliyihii ciidamada Daraawiishta maamul-goboleedka Puntland Gaashanale-dhexe Maxamed Muuse Ilko-dheere ayay kooxo hubaysani maanta ku dileen Woqooyiga magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug.

Sarkaalkan ayaa la toogtay isaga oo ku sugan badhtamaha magaaladaas isaga oo sida la sheegay ku gudo jira hawl-gal ciidamadiisu ku doonayeen inay halkaas kaga jiitaan gaari kaga waxyeelloobay dagaaladii shalay dhacay, taasina waxay sababtay inay cirka isku shareerto xaaladdii magaaladaasi.

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Maamul-goboleedka Puntland

Dadka ku sugan magaaladaas ayaa sheegay in dilkan uu ahaa mid qorsheysan ayna kooxihii fuliyay goobta ka baxsadeen, iyadoo degmada laga dareemayo xiisad kacsanaan oo weli u dhexeysa ciidamada Puntand iyo maleeshiyo beeleeddii uu dagaalku dhexmarayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, xaaladda Waqooyiga Gaalkacyo ayaa maanta deggen iyadoo weli la dareemayo xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyadii ay dagaalameen.

Xaafadihii lagu dagaalamay ayaa waxaa maanta ka socda barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, kuwaasoo ku dhexjiray colaadda, iyadoo dowladda Puntland ay sheegtay in dagaalkaas ay ka qaybgaleen xoogagga Al-shabaab.

Puntland ayaa ku eedeysay maamulka dariska ay yihiin ee Galmudug inay daweyn u sameeyeen xoogaggii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo iyadoo mas’uuliyiinta Puntland ay arrintaas iska beeniyeen.

Dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo maalimihii Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada 30-qof iyo dhaawaca tiro ka badan 60-qof, wuxuuna noqonayaa dagaalkii ugu xoogga badnaa ee magaaladas ka dhaca muddo sanooyin ah.

Somalilandpost.net

Nuuriye10@yahoo.com

Muqdisho, Soomaaliya