Gaadiidka Sharci la’aanta uga Shaqaysta Laascaanood oo la ururiyey iyo Maamulka Caasimadda Sool oo ka hadlay

[L]aascaanood (SLpost)- Maamulka magaalada Laascaanood oo kaashanaya Ciidamada Booliska ayaa hawl-gal ay maanta sameeyeen ku qab-qabtay gaadiid tiradoodu dhan tahay 25 oo aanay ku oolin Taariikada baabuurta Somaliland isla markaana aan Cashuurneyn.

Hawlgankan oo uu hoggaaminayey Maayarka magaalada Laascaanood Kayse Maxamuud X. Xuseen, waxa gacanta lagu dhigay Gaadiid u badan kuwa isaga kala goosha magaalada  Laascaanood gudaheeda iyo deegaamada ku xeeran.

Maayarka magaalada Laascaanod waxa uu wadayaasha iyo dadka iska leh gaadiid ku wargeliyey inay waajib tahay bixinta cashuuraha iyo qaadashada Taarikada gaadiidka ee Somaliland, isaga oo intaas ku daray inay sii wadayaan hawl-galkan ay ku qab-qabanayaan gaadiid sifada sharci-darrada ah ugu kala gooshaya magaalada Gudaheeda iyo deegaamada Somaliland.

“Baabuurta waxa soo qab-qabtay Ciidanka Booliska, waxaanay ahaayeen gaadiid aan cashuur lahayn oo aan diwaan gashanayn, cid dammaanad qaadi kartaana ma jirto. Waxa noo qorshaysan tagaasida iyo booyahada ceelasha biyaha soo dhaamiya iyo basaska magaalada ka dhex shaqeeya oo barri (maanta) ayaa hawshaa la galayaa”

Qaar ka mida ah  hantilayaasha gaadiidka ka dhex shaqaystay magaalada gudaheeda ayaa iyaguna ka hadlay dareenkooda ku aaddan qaabka loo soo xidhay gaadiidkooda, waxaanay sheegeen inay oggolyihiin cashuur-bixinta balse ay u baahan yihiin in loo sameeyo cashuur dhaaf, “Waxaanu ka codsanaynaa Dawladda Dhexe in cashuuraha faraha badan ee aanu dadku qaadi karin cashuur dhaaf loo sameeyo,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah hantiilayaasha gaadiidka isaga kala goosha magaalada Laascaanood gudaheeda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net