Gaadiidka iska-rogooyinka shaqeeya Magalada Berbera oo mudo laba maalmood Xanniban iyo Sababta Xayiraddooda

Berbera, 10 February, 2012 (SLpost)- Gaadiidka Iska Rogooyinka ee ka hawlgala magaalo xeebeda Berbera ayaa cabasho xoogan ka muujiyay shaqooyinkoodii oo laga xayiray mudo ay ku sheegen laba maalmood waxaanay mar ay Saldhigga dhexe ee Berbera hortiisa oo lasoo dhoobay iskarogooyinkaa ay Wadayaasha iskarogooyinkaasi kula hadleen saxaafada madaxa-bannaaan, waxaysheegeen in xayiraaddan gaadiidkooda la saaray ay soo amreen maamulada dawlada hoose ee Berbera iyo maamulka wakaalada biyaha isla magaalada Berbera

Iskarogooyinkan ayaa lagu eedeynayaa in ay beebabka Biyaha keena magaalada meelo ay soo maraan oo dooxyo ah ay qaar kamida iskarogooyinkani ciidii ka dul gureen iyada oo aan sicad loo aqoonsan kuwa ay yihiin iskarogooyinkaa beebabka waxyeleeyay taasina ay keentay in gabi ahaanba lasoo wada xidho gaadiidka ciida gura ee ka shaqeeya magaalada Berbera oo dhan balse markii layidhi iska soo saara iska rogooyinka waxyeeladaa ugaystay beebabka ay ku guul daraystay in ay iska soo saaran kadibna gabi ahaanba lasoo wada Xereeyay waxaana saldhiga dhexe ee Berbera lasoo hor tubay in ku dhow 30 Gaadiidka loo yaqaan Iska rogooyinka ee ka ka hawl gala  Xarunta gobolka saaxil ee Berbera kana shaqeeya dhismayaasha kala duwan waxanay wadayaashaasi sheegen in ay laba maalmood ku xayiran yihiin Saldhiga dhexe ee Berbera waxaanay darawaliinta gaadiidkaasi cabasho ka muujiyeen shaqooyinka laga xanibay ee ay nolol Maalmoodkooda karaadsan jireen iyaga oo ku dooday in aanay wax danbiya galin beeb biyood oo ay dhibaato gaadhsiiyeena aanu Jirin Inta ay ogyihiin dhinacooda waxaanay darawaliinta iskarogooyinkaasi codsadeen lagu cadeeyo danbiga loo haysto waxaana hadalo koob kooban oo ay wadayaashaa iskarogooyinku saxaafad ugu warameen kamid ahaa, “Waxaa  halkan ku xayiranahay laba maalmood  gaadiidkayagii, waxaa soo eedeeyay maamulka wakaalada biyaha iyo oo kaashanaya maamulka dawlada hoose gaar ahaan mayarka , waxayna leeyihiin waxaad dulmarteen  Beebkii biyaha oo aad ciidiina ka dul gurateen, wax cadayn ah oo gaadhi qudha loo hayaana ma jirto, meesha waxaa taga oo mara gaadiid kale oo xataa ay gaadhi ximaaro ku jiraan, waxaa mara qaar ood iyo xaabo doonaya, markaa waa cadaalad daro cad oo nalagula kacay walina waanu xayiranahay, sidaa waxaa yidhi Dareewal Cali Abokor Siciid(Cali oston) waxana Goobta ka hadlay Cumar Liiban oo kamida wadayaasha iskarogooyinkaa shaqooyinka laga xanibay waxaanu yidhi”Waxaa aanu mudo laba casho ah dulwareegaynaa gaadiidkayagii oo bilaa danbi halkaa u yaala, waa markii labaad ee sidan oo kale  gaadiidkayagii nalooga dhigo ama loo xayiro, beeb ayaad dulmarteen, iyo ciidbaad ka soo qaadeen ayaa la leyahay wax cadayn ah oo naloo hayaana ma jirto, gaadiidkani ma tagaan meeshaas oo ciida aanu keena tan maaha, markaa waa cadaalad daro, Waxa isna goobta ka hadlay oo darawaliintaa kamida ahaa Haaruun Bowda dheere waxaanu Yidhi”Waar waxa nalagu haystaa gar daro aan cadayn loo hayn waxa aanu Laba maalmood shaqooyinkayagii uga fadhinaa nalaooga xayiray danbi aanan garanayn cida gashay iyada oo xadhigayaguna kayimi dhinaca maareeyaha wakaalada biyaha Cabdiraxmaan Cartan oo ashkato iskarogooyinka ka dhana mayarka ulatagay waxa uu nagu dacwaynayaan waa beebab aanan agmarin oo uu leeyahay ciid baad kasoo dul garateen waar biyaha kaligaa malihide waa biyihii magaalada anagaana cabna oo kaa jecel adiga sidee bay udhici kartaa in aanu waxyeelo.

Dhinaca kale Maareeyaha Wakaalada biyaha Berbera Cabdi Cartan oo isna aanu arinkan wax ka waydiinay ayaa waxa uu yidhi “ gaadiidkani waa kuwa soo qaada ciida markaa waxay ciid ka soo dul qaadeen beebkii biyaha magaalada keenayey oo imika banaanka ayuu yaalaa beebkii oo hadii dhagax yari ku dhaco wuu jabayaa dhawr jeer oo horana way dhacday markaa iminka waa la sii daynayaa badhiitaana wuu socdaa sabtida ayaanu balanay oo booliskuna soo afjarayaan baadhidooda mar haday iyagii iskala saariwaayeen imikana waanu fasaxaynaa oo shaqooyinkoodii ayay bilaabanayaan” ayuu yidhi maareeyahu.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera oo isna goobta saldhiga aanu kula kulanay oo aanu isna arinkaa wax ka waydiinay maadama oo ay Wakaaladu dacwada soo qabashada iskarogooyinka ugudbisay maamulka degmada ayaa waxa u yidhi “ horta biyahu cidkasta waa u dan anakana masuuliyad ayaa naga saaran, maamulkii wakaaladu arinkaa wuu ka cabanayaa, qoladana gaadiidlayda ahina iyagaa ciida kena magaalada beebkii biyaha ayaa ciidii laga soo dul qaaday, iminka banaanka ayuu yaalaa, mar hore way dhacday oo waanu ganaaxnay, iminkana waxaanu nidhi kolay midkiin ayuunbaa meeshaas tagay oo ciida ka soo qaadaye ee sheega way sheegi waayeen kadibna waxa aanu amar ku siinay booliska in lasoo wada xereeyo, markaa iminka wanu fasaxnay badhis ayaa socoto cidii ay ku cadaatana talaabo ayaa laga qaadayaa” ayuu yidhi xoghaye Cali Maxamed Cilmi.

Gaadiidkan ayaa gabagabadii la fasaxay waxaana loo sheegay in danbigaasi loo haystaa yahay mid dan guuda lana baadhi doono sabtidana lasoo saari doono natiijada kasoo baxda cidii danbigaa lagu helana talaabo sharciya laga qaadi doono waxana lagu amaray in ay gaadiidkooda kaxaystaan maalinta sabtidana iskasoo xaadiriyaan saldhiga.

SLpost News Desk

yasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland