Gaadiidka bajaajka oo Berbera ku soo badanaya iyo bulshada kuleylka la dariska ah oo adeegga bajaajka soo dhaweeyay

Berbera (SLpost)- Gaadiidka yaryar ee magaciisa loo yaqaano bajaajka ayaa waxa si xaliya ugu soo badanaya magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera Iyada oo magaalada berbera ay tahay magaalo xeeba oo kulul ayaanay hadana hore ulahaan jirin gaadiid ukala adeega daafaha Magaalada sida magaalooyinka kale ee Somaliland oo basas ukala adeegan, inkastoo ay magaalada berbera koobantay ayaa hadana aan Laga maameyn in la helo gaadiid bulshada u adeega sababtoo ah wakhtigan xaadirka ah magaalada berbera way sii balaadhanaysa Balaadhkeeduna si xaliya ayuu usocdaa waxaana magalaada daafaheeda ku soo badanaya dhismayaal casriya oo laga dhisayo goobo Aan hore xaafado u ahaan jirin oo ka durugsan goobaha adeega bulshada sida sariibadaha ay haweenku ka adeegtaan iyo suuqyada la Halmaala,waxa kaloo ay gaadiidkan bajaajku wax ka tari doonaan adeegii cisbataalada ee dadka buka sababtoo ah waxay gaadiidkan Bajaajku isticmaalan shiidaal aad xadigiisu uyaryahay waxaanay isticmaal yaraantaasi keentay in mulkiilayaasha gaadiidkaasina ay Bulshada ugu adeegaan qiime aad uyar oo lagaga kireeyo bulshada adeegsata waxay bulsha weynta reer berbera oo aanu wax ka weydiinay sida ay u arkaan gaadiidka bajaajka ama faa,iidada ay ku qabaan ayaa waxay siwada jira usoo bandhigeen faa,iidooyin badan Oo ay ka heleen gaadiidkan bajaajka waxa kaloo ay bulshada reer berbera siweyn amaan ugu soo jeediyeen ganacsatada ama Mulkiilayaasha gaadiidkan bajaajka usoo agaasimay maskaxdoodana ay ka soo maaxatay in gaadiidkan bajaajku anfac weyn uleeyahay Bulshada reer berbera ee kuleylaha xoogan la dariska ah waxaana dadka aanu wax ka weydiinay adeega gaadiidkan bajaajka ubadanaa Dumarka oo iyagu ah dadka sida xoogan u isticmaala gaadiidkan iyaga oo u isticmaala adeega sariibadaha iyo dumarka jaadka ka Ganacsada oo iyaguna aad usoo dhaweeyay qiimaha ay bajaajku ugu adeegtana ku tilmaamay qiime ka yar qiimihii kaaryoonku ugu qaadi jiray jaadka ay ka ganacsadaan sidoo kale dumarka xaafadaha subaxa hore usoo adeega ayaa iyaguna wakhtigan ramadaanta ee Imika lagu jiro sheegay in ay bajaajku ufududeysay hawlo badan oo aan laga gayoodeen wakhtigan ramadaanta waxaanay sheegen in ay Bajaajku diyaar tahay wakhti kasta oo aad ubaahato iyaga oo intaa ku daray in Bajaajku dhaqaaqayso islamarka aad fuushaba iyada oo

aan kula sugeyn qof labaad balse dhexda wixii uga gacan haadiya qaadaysa Taasina waa dagdagsiimo gaara oo aad u mihiima haddaba waxa aanu ka wareysanay sababta ay gaadiidkan ukeeneen iyo cida Fikirkan ku dhalisay iyo waliba faa,iidada ay isleeyihiin waa ukeenteen bulshada reer berbera Cabdirashiid Maxamed Xaji Yuusuf oo ah Mulkiile leh bajaaj tiro badan oo ka kala shaqeeya Berbera.Hargeysa.Burco.Sheekh.Gabiley.waxaanu sheegay in fikirka keenista gaadiidkan ay iyagu keeneen fikirkana ay iyagu lahaayeen markay keenayeena ay dhawr jeer booqashooyin la xidhiidha sida ay Bajaajku u shaqeyso iyo adeegyadeeda utageen dalka Ethiopia oo ay bajaajku ku badan yihiin waxaanu intaa ku daray Cabdirashiid Maxamed Xaji Yuusuf in bajaajka ay ku soo arkeen dalka Ethiopia ay intiisa badan leeyihiin shaqaalaha dawladu oo ay aad uga Faa,iideystaan kharsh badanina aanu kaga bixin laakiin ay ka helan maaliyad fiican oo ay wax ka qabsan karaan isaga oo arimahaa Ka hadalayan Cabdirashiid waxa uu yidhi”Waxan aad ugu mahad celinayaa qolyihiinan saxaafada ee hadiyo jeer uheelan in ay Bulshadooda gaadhsiiyaan waxkasta oo horumara oo dalkeenu gaadhay horta anaga shirkadayada guud ee bajaajka noo Sameysa ee Guud Waxa la yidhaa Sahal Motors halkan berberana waxa layidhaa Adco bajaaj Service Bajaajkaygu waa uu ka duwanyahay kuwa hadiyo jeer dalkeena lagu isticmaalo waanu ka waaweyn yahay oo halka ay kuwa kale Qaadan afarta qof bajaajkayagu waxa uu qaadaa(8)sideed qof waana waafi mida kale waxa uu leeyahay isteerin(Shookaan caadiya oo Kuwa gawaadhida oo kale ah waxa kaloo intaa dheer darawalka wada waa ay ufududey sidii uu ugu adeegi lahaa bulshada oo waa nin Gaadhi wata uun dhinaca kharashka waa bilaash oo dadka waxay ku qaadan(1500,S.land shilling)ah ilaahay baa ujabiyay qiimaha Dadka waxaananu ugu talagalnay in aanay dadku culeys dareemin oo aanu lacagtaa yar uga dhignay inkastoo ay markii hore berberi koobnaan jirtay laakiin imika way balaadhatay oo waxay ubaahatay gaadiid u kala adeega anaguna fikirka markaas ayaanu helay Waxa kaloo iyana keenida bajaajka nagu siii dhiirisay wadooyinka magaalada berbera oo aad loo dayac tiray kuwo cusubna ay sameeyeen maamulka dawlada hoose ee Berbera taas qudheeduna waa ay ka qeyb qaadatay keenista bajaajka waanad aragtaan in ay bulshada reer berbera ay ku reeyeen Adeega bajaajka oo hadaad wareysataan iyaga ayaaba idiin sheegaya faa,iidada ay ka heleen imika hadaan ka soo qaado markay ay Arin dagdagi timaado sida gabadh foolatay oo ubaaahan in la geeyo cisbataalka markiiba waxa la garaacayaa labarka tilifoonka Darwalka wada bajaajka oo aanu dhabarka iyo dhinacyadaba kaga qoray si ay bulshada ugu fududaadan bulshada helida bajaajku Dhinaca kale waxa aanu fursad shaqo u abuuray dhalinyaradeenii intay  secondryada ka soo baxeen bilaa camalka suuqyada la Taagnaa oo imi iyagu darawaliin ka ah bajaajka kuna shaqeeya halkaas qudheeda faa,iido weyn ayaa dhalinyaradeeni ka heshay,Waxa Aanu jecelahay wakhtiyada soo socda oo aanu ku tala jirnaa in aanu adeega bajaajka gaadhsiino magaalooyinka dalka oo dhan inta Imika naga dhiman waayo imika anagu waxa ay bajaajkaygu ka hawla galaan magaalooyinka Berbera,Hargeysa,Burco Sheekh,Gabiley Insha alaah inta naga dhiman waanu gaadhsiin doonaa bulshada reer Somaliland way ka faa,iideysan doonan iyaguna Insha alaah Hadii ilaahay yidhaa waxan ugu danbeyntii saaxiibadayda shaqaalaha dekeda ku boorinayaa in ay ka qeyb qaataan keenista bajaajka Sababtoo ah waxan dalka Ethiopia ku soo arkay bajaaj badan oo ay leeyihiin shaqalaha dawladu waxaana lay sheegay in bajaajka oo Dhana ay iyagu(Shaqaaluhu)ay leeyihiiin oo aanay cid kaleba laheyn markaa waxan leeyahay sida shaqaalaha reer ethiopia idinkuna dadaala oo ka faa,iideysta bajaajka.

Yaasiin Jaamac

berbera_reporter@hotmail.com

Berbera, Somaliland