Gaadhi Nooca Dadweynaha Ah Oo Ay Saarnaayeen 45 Qof Oo Daad Ku Qaaday Mandheera

Mandheera, (SLP)- Gaadhi Bas ah oo nooca dadweynaha ah, isla markaana ay la socdeen 45 qof oo dalka Kenya u dhashay, ayaa waxay daadad ku qaadeen duleedka magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

Gaadhiga oo ka amba-baxay magaalada Mandheera, kuna sii socday magaalada Nairobi, ayaa waxay daadadka kula taggeen deegaanka Raamo, oo dhaca Togga Gaduudiye, oo ku darsama Webiga Daawo.

Dhibaatadan ayaa ka dambaysay markii saacadihii ugu dambeeyay ay roobab mahiigaan ahi ka da’een gobolka waqooyi Bari Kenya, isla markaana ay roobabku hakad geliyen dhaq-dhaqaaqii gaadiidka.

Guddoomiyaha magaalada Mandheera Cali Rooba, ayaa sheegay in la soo badbaadiyay 39 ruux, oo midi uu mayd yahay, intii kalena aan la garanayn jaan iyo cidhib halka ay dhigeen.

Waxa duleedka Mandheera ka socda gurmad ballaadhan, oo lagu doonayo in lagu soo samata-bixiyo dadka nolosha iyo geeridaba lagu la’yahay.

 

Wararka Afrika

Somalilandpost.net