GAADH-HAYE: Maanso ku Saabsan Ciidamada Booliska 

Maasadan oo ka Hadlaysa  Booliska waxa Hal abuuray Abwaan Jaamac Faarax Yuusuf (Jaamac Xaad) Taariikhdu markay ahayd  11/7/2011, waxaanu manta kaga qayb qaadanayaa Xuska Maalinta Booliska ee 3 November 2015.

Abwaanka oo oo ilaahay Hibo u siiyey curinta Suugaanta kala duwan ayaa ah mu’alif  suugaantiisa ku cabira aftahanimo iyo hal abaar Mawduuca uu ka hadlayo isla markaana culayska saara Danta bulshada iyo horumarka Qaranka.

Maansada oo dheer waa tan akhriste ee akhri oo dhuux

 

  1. Hayaan iyo geedi socod
  2. Adaan Hogo iyo diraac
  3. Adaan Hadhsanoo dadaal
  4. Intaa Hawl adag kujira
  5. Boolis noo heeganow
  6. Habeen dumay iyo dharaar
  7. Dhaxan hawle iyo qabow
  8. Dabaylaa adaan ka hoyan
  9. Midkay Heegada da’daa
  10. Ludiyo Hilibkiisa iyo
  11. Dhamaan Huga qoysa ee
  12. hoh iyo Marna aan  ax  odhan
  13. Bilays  gaadh noo  hayow
  14. Naftii geesiga u huray
  15. Libtiyo Hanashada amniga
  16. Nacab halistii bambiyo
  17. Miinada lagu hoobta iyo
  18. Hubiyo qarax baas sitoo
  19. Dalkiyo Inuu heero shacab
  20. Muskiyo Huliska ugu jira
  21. Cadaw Kaan ka hamranee
  22. Yaqaan Habka loo wajahe
  23. illaah Hibo siiyay ee
  24. Weer iyo Horror soo qabtow
  25. Midkaa Hoorigiisa kulul
  26. Wajiga Hinifkaa  ka baxa  
  27. Marnaba nacab haysan Karin
  28. dushiisana lagu hurdow
  29. shacab kuu heelan baa
  30. hareeraa kaa socdoo
  31. adaa hor allee dociyo
  32. gamcaa hodooda lee
  33. gudoon hanbalyiyo salaan
  34. dadkaagaa kuu han weyn
  35. hawda kuu soo marsheen 
  36. Habdhaca maansada hogeed
  37. Hal erey baan sii durkoo
  38. Higaadii waan shedoo
  39. Hirkuna waa mawjadii
  40. Dhexee negahaakiskoo
  41. Abwaan ma hilmaamayee
  42. Halkani waa idaacadii
  43. Raadyow hoobalee
  44. Hurdow toosoo la soco
  45. Dhegayso hanuuniyaha
  46. Habeeyee waxaan kudaray
  47. Dadwaynaha had iyo goor
  48. Inay hodanimo dhergaan
  49. Bilayska u hagar bexee
  50. Hantida shacab dhawrayee
  51. Habeenkii tuug dhiciyo
  52. Halgaagaa maalin weyn
  53. Haweenka taftood xadaa
  54. Halkaa minid soo xidhee
  55. Dalkiisu inuu hor maro
  56. Yahay hamigiisuyee
  57. Midhkaa hiyigu faroow
  58. La’aantaa himilo qaran
  59. Hubaashii may jirteen
  60. Shacab kuu heelanbaa
  61. Hareeraha kaa socdoo
  62. Adaa hor allee  duciyo
  63. Gacmaha hoodooda lee
  64. Gudoon hambalyiyo salaam
  65. Dadkaagaa kuu hanwayn
  66. Hawada kuu soo marsheen
  67. Hurin baa kuu abtiya
  68. Hormona waa seedigaa
  69. Ini waa habaryartaa
  70. Badh waa kuu habarwadaag
  71. Hooyiyo aabaa ku dhalay
  72. Dadkaa hilib kuugu yaal
  73. Wadnaha haba dhiigga iyo
  74. Halbawlaa beerka iyo
  75. Halkaa sambabkaad ku taal
  76. waxaad tahay lama huraan
  77. Hugaad xidhantiyo mushahar
  78. Waxaad ka heshaa bulshada
  79. Horseedka amnaa tehee
  80. Haddii uu dhaco khilaaf
  81. Hadaad burmatoo dhex tahay
  82. Habraa buuqiyo ciyaal
  83. Adoon hadateelinayn
  84. Adoon laad ku hurgufayn
  85. Haraatida shacabka dhaaf
  86. Rasaas hoos hawgu dhigin
  87. Ka daa hoombaro sulaac
  88. Waxay hinqisaa sharkee
  89. Hadal naxariis u dheho
  90. Hano maankooda oo
  91. Hayal sami ugu adeeg
  92. Waxay ka halaan halaan
  93. Hibtaan weligaa ka dhawr
  94. Xuquuqda u heegan noqo
  95. Ilaali hal aadamaa
  96. Hubka cadaw waxaan ahayn
  97. Si aan hooyo loogu ridin
  98. Si aan hablo loola dhicin
  99. Si aan hanad loogu dilin
  100. Waa inaad hubisaa bilays
  101. Ha ridin naafada cadilan
  102. u eeg maatadana hoos
  103. Ha noqon hanfade bulshadu
  104. Habaar ay kula kufaan
  105. Halkaa idhiye tixaa
  106. anoon hilinkood ka duwin
  107. halaasi murtaan u dhigay
  108. hibeeyee Maxamedow 
  109. Hadraawoow ila gorfee
  110. Habdhaca maansada hogeed
  111. Hal erey baan sii durkoo
  112. Higaadii waan shedoo
  113. Hirkuna waa mawjadii
  114. Dhexee nagahaarkiskoo
  115. Abwaan ma hilmaamayee
  116. Halkani waa idaacadii
  117. Raadyaw hoobaloo
  118. Hurdow toosoo la soco
  119. Dhegeyso hanuuniyaha
  120. Habeeyaye waxaan ku daray
  121. Haddaan umad xeer lahayn
  122. Haddaanay dastuur lahayn
  123. Haddaan sharcigu hagayn
  124. Humaaga wixii ka gala
  125. Haddaanay u lahayn halbeeg  
  126. Haddaan hareer loo socdiyo
  127. Haddaan qorshe lagu hirtiyo
  128. Haddaanay higsiba lahayn
  129. Hadday ka hurdaan niyada
  130. Hadday hayb iyo qabiil
  131. Hadday ku hadaaqayaan
  132. Hadday dhagar iyo haday
  133. Dil uun u hamuumayaan
  134. Hadday hunguri xumaan
  135. Hadday u hindhaadhiraan
  136. Hadday soor haybad dhaca
  137. Hadday u hanqal taagayaan
  138. Hadday ceeb lagu haftiyo
  139. Xumaan u hashlaynayaan
  140. Basharka hankiisa iyo
  141. Hungay ka yihiin dadnimo
  142. Hadal daaqsin geel u mari
  143. Halyey garasha laa la yidhi
  144. Haydalas qaansada u saar
  145. Heelkiyo gurgurkeeda dhaw
  146. Hadduu garan waayo saaf
  147. Halkaa waxan uga socdaa
  148. Haldoorku hadaanu talin
  149. Haddaan dantu waa hurtilee
  150. Haddaan inta kale hirgelin
  151. Haddaan hawsha laysla qaban
  152. Hadday jaantaadu rogan