Furniture (Agabka Guryaha) – W/Q: Cabdifataax

Waxa la Dhiirigeliyaa Barashada Farsamada Gacanta,Waxaana Dad badani ku Mashquulsan yihiin sidii ay u noqon lahaayeen kuwo barta Xirfadaha aasaasiga ah ee Bulshada waxtarka u leh.Waa dhab in Dadka intiisa badani Dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha ku Xidhaan Mustaqbalkooda Shaqo,oo aan Ahmiyad buuran la siinin Xirfadaha ama Barashada Farsamada gacanta,laakiin waa Mid waxtarkeeda iyo Barashadeedaba maalinba maalinta ka danbeysa wadanka laga dareemaayo.Dad badan Ayaa maalgelin ku sameeya sidii loo heli lahaa dad ku Shaqeysta Biyo gelinta,Nijaarada,Dabka,Barashada Farsamada iyo Ciladaha baabuurta,dhar sameynta,Hagaajinta Qalabada Electronics,Barashada Dhismaha, iwm.Waa Shaqooyin dalab badan,Waa shaqooyin aad loogu baahi qabo,Waana Shaqooyin socod iyo Shaqaba leh.Waana xirfado ay tahay in la helo dad badan oo garanaaya ama kuba takhasusa si loo helo bulsho leh Aqoonyahano Cilmiyada kala duwan.Haddii dadkeenu keliya aaminaan in Culuumta computer iyo  Xisaabaadka ama Dhaqaalaha Jaamacadna looga baxo,waxa Jira Qandaraasle Guryaha dhisa oo hore Wastaad u ahaan Jirey kana lacag badan kuwo badan oo Xafiis fadhiya.

Fikrada ah in Dadka aan waxbarashada ku fiicneyn ama dadka reer miyiga ah ama Danyarta ahi ay bartaan waxbarashada Farsamada gacanta Ayaa ah mid khaldan.Waa Aqoon iyo muhindisnimo Xitaa lagu takhasuso laguna Noqdo Injineer sare,Waana Aqoon iyo Xirfad lagama maarmaan u ah Adeegyada bulshada iyo horumarinta wax soo saarka intaba.

Xirfadaha Farsamo ee shaqadoodu suuqa ka muuqato Ayaa waxa ka mid ah sameynta agabka ka sameysan looxa ama qoriga kuwaasi oo inta badan meelaha aynu u naqaano Faaradaha lagu sameeyo.Faarada ama mushiinada looxa lagu Jeexo ama sameeyaa horeba wey u Jireen hase ahaate wakhtigan intii hore Ayey ka soo bateen.Dadka bartey ku shaqeynta Nijaarada ama sameynta iyo Dayactirka agabka looxa ka sameysan Ayaana soo baxey.Waxa la furey dugsiyo badan oo lagu dhigto Farsamadani,waxaana intii hore ka soo kordhey Meheradaha iyo Dadka ka ganacsada sameynta Waxa aynu ugu Yeedhno “Furniture”.

Wadanka waxa aad ugu soo qulqulaya Fadhiyo,Kuraas,Miisas iyo Agabka laga sameeyo Looxa ama qoriga,Waxaana soo Dejiya lagana Helaa Ganacsato caan ku noqdey keenida Agabka xafiisyada,guryaha iwm.Maanta Qof kasta oo doona in uu iibsado Fadhi,Cunto, ama Hurdo laga keenay dibadaha oo Qaali ah wuu Helayaa,Intaasi oo wadanka lagu sameeyey oo ka Jabana wuu Helayaa.Guri aanu Fadhi oolin ama Agabka Furnitures wuu yar yahay.Xitaa buulasha qaarkood Ayaa fadhiyada qaarkood Dhigtey.Haddii la is Yidhaahdo tiriya Ganacsatada iibisa ama Keenta wadankana kama dhamaaneysid oo waa in aad suuqa gobonimo Tagtaa oo aad ku dhex Ashqaraartaa waxa sariir Halkaasi yaala oo aad ka xulataa Midii aad ku seexan laheyd.

aan u soo Noqon wadankeena iyo Agabka wadanka lagu sameeyo isla markaasina lagu dhex Isticmaalo.Sameynta Kuraasta,Miisaska,Sariiraha looxa ah,Keli iyo Laba intaba,Gambadhada,Qori la waxa,Kabadhada,Kuraasta iyo miisaska dugsiga,Kuwa xafiisyada,Kuwa la dul saarto Alaabta ama Tvga,Kuwa Hudheelada,Kolayada Jaadka,Fadhiyada guryaha la dhigto oo wadanka lagu sameeyo,Cuntooyinka,Kabadhada Buugaagta,Dharka,Weelka,Xoolasha Caruurta,Albaabada,Daaqadaha,Kuraasta Waxbarashada Jaamacadaha,Sameynta Marfishyada meheradaha iyo Dukaamada Siliiga ama looxa ah iwm.Intaba wadanka Ayaa lagu sameeya waxaana soo saara Dad bartey oo ama Faaradaha ku dhex bartey ama Aqoon u leh ugana soo baxey Dugsiyada Farsamada gacanta gaar ahaan Qeybta Nijaarada ama Carpentary.

Qiimo Macquul ah Ayaa lagu Helaa ka jaban kuwa dibadaha laga keeno,Inkasta oo mararka qaar Xaga quruxda iyo tayada ama Midabeynta iyo Nashqadaha loo Xusho kuwa dibada laga keeno.Sameyntana waxa Dhinac socda dayactirka iyo dib u hagaajinta wixii dugoobey ama jabey.Sawirada iyo Nashqadeynta ama Fahanka inta aanad Kursi sameyn Ayaa ah mid waxbarasho kaaga baahan.Waxaana halis ah oo dhaawacyo badan dadka soo gaadhsiiya Isticmaalka qalabada kala duwan ee Faarada dhex yaala sida Mushiinka oo dadka faraha ama gacanta Jara wakhtiga qoriga lagu jeexaayo,Dubaha,Miishaarta,Musbaarka,Mushiinka lagu simo looxa iwm.

Isku soo wada Duub sameynta Furniture ka ama Soo Dejinta iyo Isticmaalka wixii Qori ama loox ka sameysan Wuu ka batey bulshada,in la bartey ama aad loogu heelan yahay lana iibsanaayana waxa kuu cadeynaya Tirada meheradaha suuqa kaaga furan iyo Faaradaha sameynaya ama soo saaraya agabkaasi.Dad badan Ayaana shaqo ka helay oo ka hawl gala ama kula Jooga tababar Farsamo,Baabuur badan oo Alaabta u qaada Ayaana la shaqeysa.Tii dalka iyo Dibaduba waa Diyaar Adigaa Mid dhigan Doona Bartaad Dageyso.Waana Arin Haweenka u taala Mida ay Dhiganeyso,Maaha mid go,aankeeda inta badan Ragu qaataan marka laga hadlaayo in guri cusub la soo Dhigo Agabkani oo kale.Home decoration and Furniture. China/Thailand and Somaliland Products.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com