Furitaanka Telefishinka Qaranka Somaliland ee Qaarada Yurub Muxuu Ka Turjumayaa?

Waxaa Uumiyaha Hanuunshay 
Waxaa Cudurkii Halgaaday 
Waxaa Jahligii Halleeyay 
Waxaa Gaajadii Hirdiyay 
Horseed Cilmiyeed Miyaa? 
Dadkaas Heegada is Geeyay 
Dadkaas Haqabeelka Gaadhay 
Hubqaad kaga Dayo Miyaa? 
Ninkaas Buurta Roobku Helay 
Gunteeda ka Heesayoow 
Figteedaa Nolol Haboon

(Abwaan Gaarriye)

Sabtidii aynu soo dhaafnay ee ay taariikhdu ahayd 5tii bishan November 2011 ayaan fursad u helay inaan ka qayb galo xaflad aad u qiimo badan oo lagu gardaadinayay si rasmi ahna dhidibada loogu taagay 

Furitaanka xarun uu Telifishinka Qaranka Somaliland uu ku yeelan doono qaaradan Yurub, gaar ahaan magaalada London, Xafladan waxa  kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Xukuumada Somaliland, Wayeel, Dhalinyaro, Culimaaudiin , Saxafiyiin, Fanaaniin, Urrurro dadweyne iyo Saxafiyiin. Hadaba xafladan oo ahayd mis si weyn ay uga soo shaqeeyeen masuuliyiinta soo abaabulay ayaa waxay ahayd mid si qurux badan u dhacday, dadweynaha ka soo qayb galayna ay aad ugu bogeen. Hadaba waxaan jeclaystay in aynu is weydiino su’aalo door ah oo ay ugu muhiimsan tahay waxa ay

xafladani uga dhigan tahay umada reer Somaliland? Maxayse ka turjumaysaa? Si aynu Jawaabtan u helno bal aynu in yar dib u celino xusuusteena.

Waxay ahayd 18kii bishii May ee sanadkii  1991kii markii dadweynaha reer Somaliland ay go’aansadeen inay Madaxbanaanidooda la soo noqdaan kadib markii ay ku guulayseen inay ciidka afka u daraan taliskii manaxaanka ahaa ee uu hormuudka  ka ahaa kaligii taliyihii haligmay ee Maxamed Siyaad Barre.  Waxa guud ahaan Somaliland ka taagnaa colaado waaweyn iyo nacayb xad dhaaf ah oo uu taliskii Siyaad Barre kala dhex dhigay  beelaha wada degan Somaliland, markii SNM ay gacanta ku dhigtay gobaladii waqooyi,  dadka siyaasada ka faaloodaa waxa ay saadaalinayeen in Ururkii SNM uu xasuuq ba’an u geysan doono beelihii garabsaarka la lahaa ee taageeri jiray dawladaas la riday, waxaana dad badani ay filayeen in taageerayaashii Ururka SNM ay ka aargoosan doonaan beelaha loo tiriniyay inay ka qayb qaateen xasuuqii naxariistii darnaa ee dadka SNM ku abtirsada ay kula kacday xukuumadii Siyaad Barre.

Nasiib wanaag Madaxdii SNM iyo hormuudkii beelihii SNM taageeri jiray waxay guntiga dhiisha isaga dhigeen in aanay wax aargudasho ahi dhicin, wax dhibaato ahna aan loo geysan beelihii SNM kasoo hor jeeday, waxaana markiiba la abaabulay shirar nabadeeyo kiisii u horrreeyay lagu qabtay magaalo xeebeedka Berbera, waxaana hogaankii SNM uu ciidamadiisii iyo taageerayaashiisii ku amrray in dagaalka la joojiyo, waxaana arrintani ay aasaas u noqotay kalsooni ay helaan beelihii SNM cabsida ka qabay, waxaanay taasi keentay in si wada jir ah beelaha reer Somaliland ay ugu dhawaaqaan inay noqdaan dawlad gaar ah 18kii May 1991. Dhinaca Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho arrintu sidan way ka duwanayd waxaana ururkii USC iyo taageerayaashiisu ay ku kaceen xasuuq arrxan darro ah oo ay ku dabar jareen kumanaan qof oo taageeri jiray ama ay isku hayb ahaayeen  taliskii Maxamed Siyad Barre, waxaana dhegta dhiiga loo daray cid kasta oo ku abtirsanaysay taliskaas dhacay, taasoo la mid ahayd xasuuqii ay dawladaas la riday laftigeedu ay ku haysay guud ahaan bulshadii Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii SNM ku abtirsan jiray, halka ururkii SNM uu colaadii iyo danbiyadii umadiisa laga galay uu iska saamaxay nabadna ugu baaqay beelihii kasoo horjeeday, taasoo guul u horseeday guud  ahaan dadweynaha reer Somaliland. Waxaana taasi ay horseed u noqotay in dadweynaha reer Somaliland ay iska iloobaan dhibaatadii dhacday oo ay gacmaha is qabsadaan, dalkoodana dib u dhistaan.

Dadweynaha reer Somaliland iyo Dawladooda ay doorteen  waxa ay maanta gaadheen heer ay  ku guulaysteen inay Talefishinkoodii Qaranka soo gaadhsiiyaan Yurub, waxaana ay tani ay ka turjumaysaa  dedaalkii layaabka lahaa ee  ay reer Somaliland soo galeen Labaatankii sanadood ee aynu soo dhaafnay oo ku salaysnaa isu Tanaasul, Nabadayn, Wadaniyad, Dal Dhis, iyo Dawladnimo ay astaan u tahay dhaqanka dahabiga ah ee asalka ah,  iyo xadaarada reer Somaliland ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin oo ah mid ay kaga soo gudbeen mixnadihii iyo dhibaatooyinkii  tirada badnaa ee soo waajahay  tan iyo maalintii ay ku dhawaaqeen la soo noqoshada Madaxbanaanidooda.

 Dadweynaha reer Somaliland ee geesiyaasha ahi waxay mudo kooban oo Labaatan sanadood gudahood ah ay ku dhisteen Dal Nabdoon oo Xor ah, Dimuqraadi ah oo Madaxdiisu ay ku yimaadaan doorashooyin dadweyne oo xalaal ah, muwaadiniintuna ay u siman yihiin in ay wax doortaan oo la doorto iyaga oo aan wax cabsi ah qabin, Saxaafaduna ay Xor tahay. Muddadaas kooban ee labaatanka sanadood ah dadweynaha  reer Somaliland waxa ay dhisteen Dalka ugu dimuqraadisan geeska Afrika, kaasoo aanay Jeelashiisa  ku jirin qof kaliya oo arrimo siyaasadeed loo xidhay. Labaatan sanadood ka dib dadweynaha reer Somaliland waxay ku faani karaan horumarka dhinac kasta ah ee ay gaadheen iyada oo aanay jirin cid kale oo kaalmaysay ama duni kale oo usoo gurmatay, waxaana ay muujiyeen inay yihiin Qaran isku kalsoon dhaqaale ahaan, Aqoon ahaan, Siyaasad ahaan iyo Milatari ahaanba oo aan wax cabsi ah ka qabin Mustaqbalkooda Nololeed iyo Aayahooda siyaasadeed toona.

Cadawaga Somaliland oo wajiyo badanaa, gaar  ahaan dawladaha Afrika qaarkood iyo badi wadamada Carbeed iyo waliba kooxaha ku hirdamaya Sooomaliya iyo maamulkoodii soo maray labaatankii sanadood ee aynu soo dhaafnay ayaa waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen oo ay u Rabbi tuugayeen in uu fashilmo rabitaanka dadweynaha Somaliland oo ah inay noqdaan Qaran Madaxbanaan oo dunidu aqoonsan tahay, waxaana cadawga Somaliland uu ku kacay talaabo kasta oo ay ku fashilin karaan in ay Somaliland hano qaado oo ay gaadho heerka wanaagsan ee ay maanta taagan tahay, waxa kale oo cadawga Somaliland ay ku kaceen dhibaato kasta oo ay u geysan karayeen qaranka Somaliland sida Cuno qabatayn dhaqaale, go’doomin siyaasadeed iyo abuurida nabadgelyo darro.

Nasiib Wanaag Somaliland iyo shacbigeedu waxay ka guulaysteen cadawgoodii, waxaanay dib u dhiseen dalkoodii, waxaana ay imika qarka u saaran yihiin in dunidu ay si rsami ah u aqoonsato Jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay tani ku timi dedaalka iyo Samirka ay muujiyeen umadda reer Somaliland. Furista Telefishinku soo gaadhay Yurubna waxa ay  tusaale cad u tahay horumarka dhinac kasta leh ee ay dadweynaha geesiyaasha ah ee reer Somaliland ku talaabsadeen labaatankii sanadood ee ina soo dhaafay.

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay oo dalka gudihiisa ama debadiisa ku sugan inay sii laban-laabaan dedaalkooda, siina horumariyaan dalkooda, una middoobaan sidii Qaranka Somaliland loo aqoonsan lahaa, waxaa kale oo lagama maarmaan ah inay dhinac iska dhigaan khilaaf kasta oo jira oo ay gacmaha is qabsadaan, garab iyo gaashaana ay isla garab taagaan Dawladooda uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dalkiisa usoo halgamayay muddo dheer, Naftiisa,Maalkiisa iyo Wakhtigiisana usoo huray dagaalkii qadhaadhaa ee aynu ku burburinay Taliskii dhagaraysnaa ee uu hogaaminayay Maxamaed Siyaad Barre, iyada oo Madaxweynaheenu uu imikana halgan kale ugu jiro sidii uu dalkeena Aqoonsi Caalami ah ugu heli lahaa.

Waxaan jeclahay inaan Hambalyo halkan uga diro guud ahaan Wasaarada Warfaafinta talaabada guusha leh ee ay Telefishinka Qaranka ku soo gaadhsiisay qaarada Yurub, waxa kale oo aan u hambalyaynayaa dadka sida weyn uga qayb qaatay hirgalinta hawshan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Mudane Faysal Cali Sheekh, Mudane Khadar Xasan Cali Gaas iyo xubnihii kale ee habeen iyo maalinba u taagnaa inay hawshani hirgasho.

Kaysar Cabdilaahi
Bristol.UK
kaysar@europe.com