Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlay Xaaladdiisa Caafimaad iyo Xilliga uu Hargeysa imanayo

Fu'aad Aadan CaddeIstanbul (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee gobollada Bari Fu’aad Aadan-Cadde oo cusbitaal ku yaalla waddanka Turkiga, gaar ahaan magaalada Istanbul lagaga daawaynayo Xannuun uu muddo badan u jiifay, ayaa xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay isla markaana ka soo kabtay diif iyo awood-darro uu ku keenay xannuunka uu muddada u jiifay magaalada Hargeysa.

Fu’aad Aadan Cadde waxa cusbitaalka ku booqday qaar ka mid ah ardayda Somaliland ee waxbarashada u jooga dalka Turkiga, kuwaas oo uu u sheegay in xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay isla markaana uu dhowaan iman doono magaalada Hargeysa.

Ardayda oo qaarkood ka duubeen Muuqaal xambaarsan farriin uu hambalyo ugu diray ardayda, waxa uu ku yidhi, “Ardayda reer Somaliland ee Istanbuul wax ku barata way I soo booqdeen, waxay ii keeneen ubaxan oo aanan hore u arag. Waxaas oo dhan waxay kaga dareen, waa dhalinyaro, haddana ducadooda waad la yaabaysaa, dad wanaagsan oo ducayn yaqaanna oo had iyo goor kheyr ka hadlaya weeyaan, Illaahay wuxuu ii aqbalayaa ducadooda, Insha Allahu Hargeysaanu isku sugaynaa oo isugu imanaynaa.”

Fu’aad Aadan Cadde oo ah siyaasi Ruug-caddaa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Sool, ayaa sannadkii u dambeeyey xannuun u jiifay magaalada Hargeysa, waxaana horaantii bishii Shanaad magaalada Hargeysa ka qaadday diyaarad Khaas ah oo xukuumaddu u kiraysay, taas oo gaysay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Somalilandpost.net