Filipo Inzaghi oo laga reebay liiska Kooxda AC Milan ee ka qaybgalaysa Champions League

SLpost Sports – Filippo Inzaghi ayaa si xoog leh uga cadhooday wararka sheegaya in laga reebay liiska ciyaaryahanada kooxda ACMilanee ka qeybgalaysa tartanka Champion League sida uu caddeeyey tababaraha kooxda Massimilano Allegri.

Gool-dhaliyihii hore ee xulka qaranka Talyaaniga oo 38 jir ah ayaan ciyaarin inta badan ciyaarihii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kadib markii uu jilibka ka dhaawacmay, iyadoo la eegayo dhaawaca joogtada noqday ee la soo dersey ayaa kooxda Milan waxa ay ka reebtay liiska 25 laacib ee u safanaya tartanka horyaalka Yurub.Hase ahaatee kooxda Milan ayaa bedeli karta liiska ciyaaryahanadeeda ee tartanka Championka bisha January taasoo ah in Inzaghi uu safan karo wareega Knok outka.

“Waan la hadlay Pippo,” ayuu yidhi macalinkii hore ee kooxda  Cagliari Coach. “Ma uusan ku qancin warka laakiinse taasi waxay ahayd wax la iska fahmi karo.“Hase yeeshee,Waan u sheegay in aan sugeyno tan iyo bisha January annagoo rajeyneyna in uu soo labaato kana soo kabto dhaawacyada.”

Inzaghi ayaa dhaliyey 70 gool tartanka Championka isagoo laacibka reerSpainee Raul oo haysta rikoodhka gooldhalinta Championka ka hooseeya labo gool oo kaliya.