Fikirkaaga Fogee oo Noqo Mid Hansare leh

 

Ma xasuusataa inaad dhallaannimadaadii mar uun aad ku fikirtay inaad noqotid Madaxwayne, Doctor, Imaam Engneer, Ganacsade… IWM?.

Halkeebuu hamigaagaasi ku dambeeyay?.
Dadku hadaf iyo hiigsi way wada yeelan karaan.. laakiin kama wada dhabayn karaan.
Sababaha ugu badan ee kaa hor istaagaya himiladaasina waxa kamid ah:
1- Hadaf iyo Qorshe

Hadaf iyo qorshe la’aan:Kaliya waxa iska nooli waa xayawaanka ee aanay waxba sugaynin, haddii uu qofku bilaa qorshe ku noolya hayna xayawaankaa waxba ma dhaamo,Meelna kuma gaadhi kartid adoon khidad iyo balayn cad u samayn.

2- Waqti lumin-

Waxa ugu wayn ee aad dunidan ku haysataa waa waqti iyo caafimaad.. waqtigu xawli  kuma socdo sida kaa dhaadhacsan ee adigaan qabanayn wixii loo baahnaa… daqiiqaddii ku dhaaftaa ha ka sugin inay soo noqoto.. ka fikir waqtigaad haysataa inuu ka yar yahay intaad filaysid.

3- balwad:

Markaad aragtid qofku isagoo canka Qaadku haya..Sigaarnaaad u budhbudhinaya.. gees ka qosol iyo kaftan badanna wada., ha u qaadan in uu xaaladdaa markasta ku jiro… Lama joogtid marka uuqufaciyoxiiqla daalaa dhacayo.. marka ayqabsiniyoxanuunokale kusoo kordhayaan.. uguna horreeyaan dilaaga aamusan eekansarka..Balwaddu kuuma hambayso wakhti iyo caafimaad toona..Ka soomaali ahaannabalwaddaiyoqabyaaladduwaa waxa dunida innaga reebay.

4-CAAJIS

Allaah (SW) shimbirkaba wuu arsaaqaa.. laakiin cufkiisa uguma dhexrido quudka…Adiguna sidoo kale xaglo laaban xoolo ku heli maysid.Weligaa haka caajisin ka dhabaynta hamigaaga.. hana adeegsan kalmaddabilaa-camaloo imika dadka qaar u noqotay kiniin ay waqtiga ku lumiyaan.5-mar wada qabodaInkastoo aad laba shimbirood dhagax kaliya kuwada dhufan kartid.. haddana ninka laba shimbirood wada eryadaa wuu wada waayaa..Waxa aan ka wadaa in aanad isku dayin qabashada laba hawlood ama shaqo mar qudha.. waxa ay ubadantahay in aad midna qaban waydo.

Hadaad iska noolaato aanad k fikirin mustaqbalka fog maskaxdaadu waxay kuugu sheekaynaysaa inaadan ahayn qof jira nasiibna Ku lahayn  aduunkan waxaana suura gal ah inaad niyad jab iyo isla sheekaysi Ku danbaysid kuwaas oo kama danbaysta kugu keeni kara xanuun xagga dhimirka ah bulshadana kaa faquuqa.niyad jab iyo hiigsi la’aan wada socdaa waxay keeni karaaan inaad Ku fikirto waxyaabo aan caqli saliimka ahi xejinayn.

 

 

 

Saddam Osman Kaabash <sadamkabash99@gmail.com