FIFA Oo Wax Ka Bedeshay Qabashada Tartanka Koobka Adduunka Ee 2026

Samara, (SLpost)- Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa sheegay in dib loo dhigayo tartanka cidda qabanaysa koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, sababtuna ay tahay eedaymaha musuqmaasuqa ah ee hadheeyay ururkaas.Fifa gen. secretory

Waa hadalkii uu horeeyay ee Jerome Valcke uu ka sheego fagaare tan iyo markii dacwad oogeyaasha Mareykanku ay dacwado musuqmaasuq kusoo oogeen saraakiisha FIFA.

Xoghayaha guud ee FIFA ayaa hadalkaasi ka sheegay waddanka ruushka, waxa uu kulan kula leeyahay madax Ruush ah oo ku sugan magaalada Samara oo ka mid ah goobaha lagu qabanayo koobka adduunka ee 2018.

Waxa uu sheegay in ku qabashada koobka adduunka ee Ruushku ay tahay mid sidiisii u sii socota.

Valke, waxaa kale oo uu sheegay inay xadidantahay sida FIFA ay u xakamayn karto saraakiisheeda, isla markaana masuuliyadda badankeedu ay saarantahay guddiyadda kubadda cagta ee gobollada.

Somalilandpost.net