“Faysal oo guddoomiyihii UCID ah in la xidho dhicina mayso cid xidhi kartaana ma jirto” – Wasiir Samaale

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka fal-celiyey dhaliilo siyaasiyiinta mucaaradka ahi u jeediyaan Xukuumadda uu ka tirsan yahay, isaga oo ka warbixiyey wax-qabad iyo isbeddel ay xukuumaddu ku soo kordhisay dalka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Samaale oo maanta ka qayb-galay munaasibad Qalin-jabin ahayd oo mucaarad iyo muxaafidkuba joobjoog ku ahaayeen, ayaa hadal uu madashaas ka jeediyey ku soo qaaday warar warbaahinta qaarkeed lagu faafiyey oo sheegayey in xukuumaddu qorshaynayso Xadhig iyo Xabsi lagu aamusiiyo siyaasiyiinta ku bahoobay MADASHA Wada-tashiga.

Md Samaale oo ugu horeyn ka hadlayey isbeddel xukuumaddu ku soo kordhisay adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, waxa uu yidhi, “Wasaarada Maaliyada iyo guud ahaan-ba wasaaradaha dalka marka run loo hadalo isbedel-baa jira, waxqabad baa jiraa, waxaynu doonayna halka aynu hiigsanayno in aynaan wali gaadhin oo wax badan ayaa naga dhiman.Laakiin isbarbar-dhiga la sameeyo waa shalay iyo maanta’e, ma ku soconaa xukuumada KULMIYE halka aynu hiigsanayno? Haa baanu leenahay aniga oo qalbiga ka hadlaya inta wanaaga ka dharagsana way ka makhraati kacaysaa oo aanu kordhinay miisaaniyaddii yarayd oo hadii aynu jaamacada ka hadlayo iyo jaamacadaha kalebaa aanu miisaaniyadda wax yar u galino, iyadoo wasaaradihii dhismeen oo ay wadooyinkii dhismeen waxna socdaan.”

SamaaleWasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Xukuumaddan Kulmiye horta waxba ma xidh-xidho oo xaaran weeye Faysal oo guddoomiyihii UCID ah in la xidho dhicina mayso cid xidhi kartaana ma jirto. Asxaab badan ayeynu samaysanay oo waxaa soo baxay saddex xisbi qaran, ballanqaadkaana waxa ka dhabeeyey xukuumada talada haysaa,” ayuu yidhi Wasiir Samaale.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net