Faysal Cali Waraabe Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Salaadiinta Dalka Oo Dhexdhexaadin Ka Dhex Wada Musharax Jamaal

Hargeysa(SLpost)-Eng.Faysal CalI Waraabe ayaa sida fiinta uga qayliyay salaadiinta dalka oo uu ku tilmaamay kuwo aan xuduud lahayn.

Waxa uu sidan ka sheegay Fayal Cali mar uu maanta ka hadlaayay xaflad ay ku qalin jabinayeen arday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa aynu maanta khatar u nahay qabyaalad ay hor kacayaan niman inay halkan cumaamad yar saartaan yidhaahda salaadiin ayaanu nahay oo sidii islaamihii buraanburi jiray ee meel walba looga yeedhi jiray xaflad walaba ka baraanburaya oo waxay doonayaan ku hadlaaya, xeerkeeniina ma shaqaynaayo kii casriga ahaana ma shaqaynaayo, waxynu maxkamada sare waydiisanaynaa inay salaadiinta dabar u sameeyaan ilaa carta ayay ka soo heeseen, qaarbaanu garbaduubnaa marka la yidhaahdo shirbaa Muqdisho ka jira si aanay halkaas uga soo heesin, hadaynaan dadkeena midayn waxba hagaagi maayaan, socdaalka mudaynta Somaliland ayaan bilaabayaa oo ilaa bari ayaan soconayaa.”

Salaadiin ka soo jeeda beesha Faysal CalI Waraabe ayaa ku jira xalin khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo musharaxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.