Faysal Cali waraabe oo sheegay in Masiirka Shacabka Somaliland aan lagu aamini Karin xukuumada Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Guddomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa Sheegay in haddii xukuumada madaxweyne Siilaanyo ay kaligeed isku koobto wada-hadallada Somaliya ay la geleyso in iyaguna ay tallaabo qaadi doonaan taas oo ah in iyaguna ka Xisbiyo mucaarid ahaan ay wada-hadallo gaar ah la furi doonaan Somaliya, kuwaas oo ku aaddan Madaxbanaanida Somaliland.

FAYSAL-NEWONEFaysal Cali waraabe wax kale oo uu sheegay in Masiirka Shacabka Somaliland aan lagu aamini Karin xukuumada Siilaanyo.

Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta ugu waramayey Madaarka Hargeysa isaga oo ka soo laabtay Safar muddo uu ugu maqnaa Dalka Imaaradka, ayaa ugu horreyn ka hadlay natiijada safarka uu ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka, waxaanu yidhi, “Waxaan muddo safar ugu maqnaa Imaaradka Carabta oo halkaasi aanu ugu tagnay dad jecel somaliland oo karaamo leh, waxa ay nagala hadlayeen arrimo ku saabsan shirkii Dood Cilmiyeedka ee la qabanyo.”

Faysal oo ka jawaab-celinayey hadal shalay ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi, kaas oo uu ku sheegay inaanay axsaabta mucaaradka ahi kaalin ku lahayn wada-hadallada labada dal, waxa uu guddoomiyuhu yidhi, “Haddii Xuukumadda Siillaanyo isku koobto shirka wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, anaga ka Xisbiyo mucaarid ahaan, waxaanu Somaliya la furi doona Wada-hadalo ku saabsan Masiirka Umadda Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET