Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Imaatinka Cali Khaliif ee Bariga Somaliland iyo Cabashada Kuraasta Wakiilada ee Awdal

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in wakhtigan mar kale Cali Khaliif Galaydh u soo cumaamato dagaal ka dhaca deegaanada bariga Somaliland.

waxa uu Faysal Cali shacabka Buuhoodle u soo jeediyay inay wakhtigan ku fikiraan horumarka deegaankooda sida oo kale waxa uu ka hadlay cabashada ka soo baxaysa qaabka gobalada dalku ay u qaybsanayaa xubanaha golaha wakiilada.

waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu hadalkiisa ku bilaabay“Waa nasiib daro in nin todobaatan jir ah oo sheeganaya tacliinsare uu hadana umaddiisa dagaal ugu baaqo, aad ayaan uga xumahay oo waan uga hanweynaa, reer Buuhoodle maanta dagaal umabaahna ee horumar ayay u baahan yihiin,waxbarasho,caafimaad iyo dhaqaale ayay u baahan yihiin, waa u sharaf daro aduun iyo aakhirna dhana umafiicna, labaatankaas sano ee dhulbadan wax gaadheen hadana wali halkaas waxba may gaadhin, aduunkana waxa lagu tartani doonaa waa dhaqaale iyo aqoon, inuu inta uu Xamar ka yimaado dadkiisii yidhaahdo qoryo qaata waa u nasiibdaro.”

guddoomiye Faysal oo ka hadlaayay saluuga kuraasta wakiilada ee reer Awdal waxa uu yidhi“arintan xildhibaanada baarlamaanka 2005 ayaa laysku qabsaday oo gobalada qaarkood ay saluugweyn ka muujiyeen anigu sadexdii xisbi ee ay qaybiyay ayaan ka mid ahaa wiig ayaanu fadhinay oo waxaanu ku qancinay inay kumeelgaadhtahay, markaas in marlabaad la keeno maaha waxay ahayd in la diyaar gareeyo waxii looga guuri lahaa, dadka oo aan la qancin in lageeyo maaha xaqna way u leeyihiin reer Awdal inay ka biyo diidaan. baarlamaanku maaha inay arintaas faro galiyaan oo ku heshiin maayaan shirgudoonkuna inuu yidhaahdo inoo wada safarka hawhawdooda ha maqlinee xaq uma laha, waa in wax laysku ogyahay doorashada lagu galaa.”

ugu danbayntii waxa uu Faysal Cali Waraabe diiday in bariga Somaliland lagaga yimaado isxanbaar“arintan isxanbaarka waa in la joojiyo dadkan doonaya in aanay ka dhicin doorasho deegaankooda ee hawlyaraanta ku yimi ee iyaga oo hawlyaraan ku yimi maanta u dardarweyn ee moodo inay dalka ka horjoogaan doorashada, waxaanu leenahay dadkaasi way tashadeen diiwaangalintiina way qaadanayaa, is xanbaar danbe markaas ma jiro kii ku yimina hayska calafsado toban sano iyo dheeraadbaad ku joogtaye, aad ayaan ugu hanbalyaynayaa wasiir Xaglatoosiye  inuu arintaas badka keenay in laga doodo oo dadkiisa ku dhiirigaliyo in diiwaangalinta deegaankiisa laga qaato.”