Faysal Cali Waraabe oo Bayaamiyey Mowqifka Somaliland ee Dagaalka Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay arrimaha dagaalka dalka Ethiopia iyo socdaalkii Madaxweynaha Kililka Shannaad ee Ethiopia ku yimi Somaliland.

Sidoo kale, Eng. Faysal wuxuu ka hadlay socdaalka Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) ee magaaladda Muqdisho iyo hawlaha uu halkaa ka qabtay oo uu ku amaanay, balse waxa uu sheegay in uu la yaabay hadalo loogu hanjabayo Boqor Cismaan Buurmadow.

Guddoomiye Faysal oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, wuxuu tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland tahay mid ku fadhida deris-wanaag iyo in dalalka jaarka lagula noolaado.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in xaaladda dagaalka xilligan ee Ethiopia ay Somaliland kala mawqif tahay dalalka aduunka. Waxa uu sheegay in Ethiopia ahmiyad weyn u leedahay gobolka geeska Afrika.